Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo ka tacsiyeeyey geerida Taliyihii ciidanka Booliska

October 30, 2014 - Written by Editor

jawaariMuqdisho:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed General Maxamed Xasan Ismaaciil oo goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, Hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Madaxweynaha,magaca Guddoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee walaalkeen General Maxamed Xasan oo ahaa Taliyihii Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed,waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa jano siiyo,dhammaanteenna uu samir iyo iimaan naga wada siiyo”.

“waxaan tacsi gaar ah u dirayaa Saraakiisha,saraakiil xigeennada,alif leeyda,dableyda iyo dhammaan Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed oo uu taliyuhu u ahaa hogaan waxaanna leeyahay dhammaanteen wuu naga wada geeriyooday ee samir iyo iimaan Alle hanaga wada siiyo,gadaashiisna Alle nama fidneeyo”ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Allaha u naxariistee General Maxamed Xasan Ismaaciil oo ahaa taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa goor dhow magaalada Muqdisho ugu geeriyooday xanuun deg deg ah oo kusoo booday.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online