Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Jawaari oo baaq u diray wasiirada DFS .

October 22, 2014 - Written by Editor

_DSC0504Muqdisho:-Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta markii ugu horeysay dhaliil u diray qaar ka mid ah wasiirada ka tirsan DFS kuwaas oo uu ku eedeeyey in aysan soo xaadirin kulamada baarlamaanka DFS .

Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku goodiyey in ay la xisaabtami doonaan wasiirada aan soo xaadirin kalfadhiga baarlamaanka DFS kuwaas oo ah intooda badan ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFS.

Wasiirada DFS ayaa intooda badan waxay yimaadaan kulamada Baarlamaanka DFS marka ay jiraan arimo xasaasi ah sida kolka uu mooshin jiro ama laga hadlayo dhibaato amni oo ka dhacday dalka.

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS ayaa ka codsaday wasiirada in ay soo xaadiraan kulamada baarlamaanka wuxuuna sheegay in ay jiraan arimo badan oo hor yaal Baarlamaanka DFS.

Baaqa uu soo jeediyey Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS ayaa wxaa uu ku soo aadayaa xili la wada sugayey in xildhibaanada ay cod u qaadaan arimo badan oo ay ka mid yihiin sharciga kalluumeysiga ee Xeebaha Somaliya.

A/Cawale
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online