Hay,ada SAAD oo mashruuc ka fulisay dagmada fiiq iyo tuulada dudumacad(Masawiro)

October 28, 2014 - Written by Editor

IMG_0365Hay,ada gargaarka iyo horumarinta deegaanka somalida itoobiya ayaa soo gabagbeysay mashruuc socday mudo lix bilood ah oo kana shaqaynayay dagmada fiiq ee xarunta gobolka nogob iyo tuulada dudumacad ee isla dagmada fiiq .

Mashruucan oo ay iska kaashadeen hay,ada SAAD iyo British councilka loona soo gaabiyo CSSP nuxurkiisuna ahaa in bulshada laga haqabtiro baahida dhanka biyaha aya waxay hay,adu ku guulaysatay in ay u qoday shacabka ku dhaqan tuulada dudumacad barkad wayn oo kaydisa biyaha roobka isla markaana ay bulshadu xiliga jiilaalka kaga bixi karaan.
Barkadan oo haatan buuxsantay ayaa waxaa raja wayn laga qabaa in ay bulshadu kaga bixi doonta baahidii dhanka biyaha ahaa ee xiliga roobku jirin  tuuladan.

no images were found

Dhanka dagmada fiiq ayay hay,adu ka qoday ceel gacmeed ceelkaas oo laga qoday gudaha magaalada fiiq ayay shacbku si diiran u soo dhaweeyen .

Wareejinta labadan mashruuc ayaa waxaa ka soo qayb galay maareeyaha hay,ada SAAD ee magaalada jigjiga mudane Mohamed Ayanle Dahir madaxa mashruca CSSP ga mudane Abdulahi Sheikh Muxumed iyo masuuliyiin ka socday xafiiska biyaha dagmada fiiq .

Ugu danbayntii shacbka ku dhaqan tuulada dudumacad ayaa si farxad iyo raynrayn ah kaga gudoomay barkadan ay hay,adu u qoday waxayna balan qaadeen in ay ilaashanayaan .

Hay,ada SAAD
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online