Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo la kulmay wafdi ka socday Safaarada Ingiriiska ee Soomaliya.[Masawiro] .

October 7, 2014 - Written by Editor

IMG_0063Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe Wafti balaaran oo ka socday Safaarada Ingiriiska ee Soomaliya oo maalinti shalay soo gaaray Magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe .

Wafdigaan ayaa waxa ay kala ahaayen:-

1: Grant Calder -Political Advisor (FCO) La Taliyaha Arimaha Siyaasada  Safaarada ingiriiska ee Soomaliya .

2: Abdinasir Ogle -Political Officer (FCO)Sarkaal Katirsan Xafiiska Arimaha Siyaasada ee  Safaarada Ingiriiska Soomaliya .

3: Sharon Diaz-Migration Advisor  (FCO) oo ah La Taliyaha Laanta Socdaalka

Markii uu soo dhamaaday Kullanka ayaa waxaa ka soo baxay Qodobo muhim ah oo ay kamid ahaayen.

Arimaha Siyaasada ayaa waxaa si weyn looga hadlay siyaasada guud ee Soomaliya Koonfur iyo Waqooyi iyo Mandiqada oo idil .

Dhanka dimuqraadiyadda ayaa waxaa xooga lasaaray sidii looga hirgalin lahaa Dimuqraadiyadd taabagal ah geyiga Puntland,furitaanka axsaabta siyaasada oo ah mid aqoon iyo siyaasad fur furan ku dhisan .

Tababarka Garsoorayaasha Maxkamadaha ayaa laysla gartay in la xoojiyo si loo helo Cadaalad ay dadka oo idil ku qanacsan yihiin .

Sidii Ciidanka Booliska Kor loogu qaadi lahaa tababarkood  isgaarsiintooda gaadiidkooda iyo Darayskooda .

Sidookale waxaa laga wada hadlay Xaalada amniga puntland iyo la dagaalanka argagixsada caalamka sida Kooxda Al-shabaab,kooxahaasi oo Caalamka oo idil isla gartay in cadow ku yihiin Aduunka.

Dib uhashiisiinta iyo Maamul wanaaga ayaa laysku afgartay in ay noqoto mid taaba gasha islamarkaana lagu dadaalo sidii looga hirgelin lahaa guud ahaan Soomaliya gaar ahaan Puntland.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online