Madaxweynaha DFS oo ka tacsiyeeyey geeridii Taliyihii Ciidamadda Booliiska.

October 31, 2014 - Written by Editor

images-14Abu Dubai- October 30, 2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaah ha u naxariistee Taliyahii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Ismaacil oo maanta ku geeriyooday Muqdisho.

“Innaa Lillaahi wa innaa Illayhi raajicuun, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu dhammaanteen samir iyo iimaan naga siiyo Taliyahii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Marxuum Jen. Maxmad Sheekh Xasan Ismaaciil. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, qaraabada, asxaabta, Ciidamadda Boliiska iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ”. Ayuu yiri Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeytii, Madaxweynaha oo ku sugan wadanka Isugtaga Imiraatka Carabta ayaa yiri “Waxaan Taliyihii hore ee Ciidaanka Booliska Soomaaliyeed ugu duceeynayaa in Illaaheey uu jannada Fardowsa ka waraabiyo.”

———-Dhamaad———

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online