Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay

October 17, 2014 - Written by Editor

unnamed2Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, iyo wafdigii uu hoggaaminaayay ayaa maanta dalka ku soo laabtay, ka dib markii uu booqasho saddex maalmood ah ku tegey dalka Faransiiska.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhoweeyay Xarunta Madaxtooyada Jamhuriyadda Faransiiska, waxay wadahadal yeesheen Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande oo ay isla soo qaadeen xiriirka labada dal ee dhinacyada Difaaca, Amniga iyo Horumarinta.

Madaxweynuhu maalmaha uu joogay Paris, waxaa uu booqday hey’ado kala duwan oo isugu jira kuwo Dowladeed iyo qaar gaar loo leeyahay.

Wadahadal uu Xaruntooda kula qaatay hey’adda MEDEF oo ay xubno ka yihiin in ka badan 6,000 oo sharikadood, ayuu Madaxweynuhu wakiillada sharikadahaas waxaa uu ku dhiirri geliyay in ay maalgashadaan Soomaaliy.

Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay in amnigu soo hagaagayo, isla markaasna cabsida ku jiri karta sharikadaha doonaya in ay hanti badan geliyaan Soomaaliya ay isla markaasna wadato faa’iidadeeda maaddaama uu hadda yar yahay tartanka ganacsi.

Madaxweynuhu wuxuu kale oo booqday Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Paris.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdiraxman Beyle iyo Wasiirka Difaaca, Maxamed Shiikh Xaamud.

Waxaana wafdigu meel kasta uu tago ku wehliyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Brussels, Cali Saciid Faqi.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka dayaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Cusmaan Jawaari iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole.

Dhammaad

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online