Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo gaaray magaalada Paris

October 15, 2014 - Written by Editor

Madaxweyne-Xasan-Sheekh-Maxamuud1Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degey magaalada Paris, ka dib markii uu martiqaad ka helay Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande.

Labada Madaxweyne waxay ka wada hadli doonaan iskaashiga xiriirka ka dhexeeya labada dal ee dhinacyada Difaaca, Amniga iyo Horumarinta.

Madaxaweyanaha waxaa wafdigiisa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Cabdiraxman Beyle, Wasiirka Difaaca, Maxamed Shiikh Xaamud, la Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga, Cabdiraxman Shiikh Ciise iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxay galabta booqdeen Safaaradda Soomaalida ee magaalada Paris.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Dr. Cali Siciid Faqi ayaa ku tilmaamay in ay tahay markii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed iyo Madaxweynaha Faransiisku ay si rasmi ah isu soo hor fariistaan tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya 1991. Taasina waxay muujineysaa isu soo dhowaashaha Soomaaliya iyo Faransiiska iyo sida uu hadda caalamku ugu soo jeestay in uu iskaashi dhinacyo badan leh la sameeyo Soomaaliya.

—Dhamaad—

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online