Madaxweynaha Jubba oo maanta tababar u soo xiray 1000 askari

October 22, 2014 - Written by Editor

madoobeKismaayo:-Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta in ka badan 1000 askari wuxuu tababar ugu soo xiray deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Jubba ayaa maalmihii ugu dambeysay waxaa uu socdaal ku marayey deegaano ka tirsan gobalka J/hoose waxaana socdaaliisa ku weheliyey saraakiil ka tirsan Maamulka Jubba .

Socdaalk Madaxweynaha Jubba ayaa waxaa ujeedada kormiirkiiisa uu ahaa in uu tababar u soo xiro ciidamo ku sugan Dhoobley iyo Raaskamboon kuwaas oo duulaan ku ah deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobalada J/hoose ,J/dhexe iyo Gedo.

Madaxweynaha Maamulka KMGG ee Jubba oo la hadlay ciidanka tababarka loo soo xiray ayaa ku booriyey ciidanka in ay u diyaargaroobaan dagaal dheer oo ay la galaan kooxda Al-Shabaab.

Maxamuud Maxamed Khaalib oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Jubba ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaariyeen ciidamadii Al-Shabaab ka saari lahaa gobalada J/hoose ,J/dhexe iyo Gedo.

Ciidanka ka tirsan Maamulka Juba ee tababarka loo soo xiray ayaa waxaa ay ku biireen ciidanka daraawiishta ee Jubba .

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online