Madaxweynaha Puntland iyo Ra’isulwaare DFS oo booqday JBA iyo PSU.[Masawiro]

October 13, 2014 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisal Wasaaraha Dalka Soomaaliya Cabdiweli Shiikh oo Booqday Xarunta Wasaarada Waxbarashada Puntland Jaamacadaha Bariga Afrika iyo PSU Dugsiga sare ee Gmbool sidookalana Daahfuray Shirka Qaran ee Siyaasada Deegaanka Puntland.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali  Gaas iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Soomaaliya Cabdi weli Sheekh Axmed  ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ,Jaamacadaha Bariga Afrika iyo PSU iyo Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Gambool sidookalana waxa ay daah fureen Shirka Qaran ee Siyaasadda Deegaanka Puntland oo ka furmay Xarunta Horumarinta iyo Cilmi Baarista Puntland ee PDRC .

Booqashadii ugu horeysay ayay ku tageen Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhuba Xarunta Wasaarada Waxbarashada Puntland ee Garoowe waxana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame iyo Howlwadeenada Wasaarada Waxbarashada Puntland .

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa Raysal Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed guddoonsiiyay Shahaaho sharaf,taasi oo Wasaaradu ay ku muujinaysay sida ay ugu faraxsan tahay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha uu ku yimi Puntland.

Booqashada wasaarada kadib ayaa Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo Raysal Wasaare Cabdiweli Shiikh si rasmi ah u daah fureen Shirka Qaran ee Siyaasadda Deegaanka Puntland oo looga hadlayo sidii loo ilaalin lahaa Deegaanka .

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Raysal Wasaaraha Dalka Soomaliya waxa ay sidookale kormeer ku tageen Jaamacadaha Bariga Afrika iyo PSU waxana soo dhaweyn u sameeyey Maamulada iyo Ardayda Wax kabarata Jaamacadahaasi.

Xaflad Kooban oo lagu qabtay Gudaha Hoolka Jaamacada Bariga afrika ayaa waxaa lagu xusay Xuska Sanad Guuradii 60-aad ee ka soo wareegatay wakhtigii la hindisay Calanka Soomaliya oo ku beegan 12-kii Octoobar 1954.

Xaflada ayaa waxaa sidookale lagu daah furay Ololaha Taakuleynta Walaalaheena Reer Gado oo abaar ba’ani haleeshay waxana gurmad walaalnimo looga wadaa gudaha Puntland taasi oo ay iska kaa shanayaan Dowladda Puntland iyo Shacabka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Dowlada Puntland ay u gudbinayso dhaqaalaha ay ugu deeqayso walaalahooda Gobolka Gedo,Guddiga Culimada Puntalnd ee isu xilsaaray Gurmadka Abaarta kajirta Gobolka Gedo.

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale Raysal Wasaare Cabdiweli Shiikh ka codsaday in Dowladda Federaalka Soomaliya iyana si deg deg ah uga qeyb qaatan Gurmadka Dowladda iyo Shacabka Puntland u fidinayaan Walaalahooda Gobolka Gedo .

Ardeyda Jaamacadaha Bariga Afrika iyo PSU iyo sidookale Dugsiga Gambool ayaa waxa ay shahaaso sharaf gudoonsiiyeen Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,Raysal Wasaaraha Dalka Soomaliya Cabdiweli Shiikh iyo Sidookale Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland .

Ardayda ayaa Raysal Wasaaraha Dalka Soomaliya Cabdiweli Shiikh ka codsaday in Dowladda Federaalka Soomaliya ay qaado cuna qabateynta ay ardeyda Puntland ka saartay Shahaadadooda Waxbarasho,waxana uu Raysalwasaaruhu dhankiisa balan qaaday in arrintaasi wax weyn iska badali doonto.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online