Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wafdi ka yimid dalka Swedan[Masawiro]

October 5, 2014 - Written by Editor

gaaswafdiGaroowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe kula Kulmay Wafti Balaaran oo ka yimi Dalka Sweden kuwaasi oo ka soo kictimay Gobolka Gutenberg ee Dalkaasi.

Waftigaan waxaa kamid ahaa Ninka Lagu magacaabo Anders Lygdman oo kamid ah madaxda hay’adda Region Vastra Gotaland iyo Camilla Nasuland oo ah Madaxa Mashaariicda Horumarinta ee Gobolka Gutenberg iyo sidoo kale Tomas Magnusson oo ah Agaasimaha Mashaariicda ee Gobolka Gutenberg.

QODOBADII LAGA WADA HADLAY WAXAA KAMID AHAA :-

1.Sidii Shaqo Abuuris loogu samayn lahaa Dadka Reer Puntland ee ku nool Gobolka Gutenberg ee Wadanka Sweden,islamar ahaantaasna Muwaadiniintaasi reer Puntland ay Puntland Gudaheeda looga Howlgalin lahaa .

2.Sidii loo mataanayn lahaa Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Gutenberg ee Wadanka Sweden,taasi oo qayb ka noqonaysa Horumarinta Guud ahaan Magaalooyinka Puntland .

Dhamaan qodobadaasi waa laysku afgartay sidii loo dhaqan gelin lahaa, waxaana uu Madaxwayne Gaas kula dardaarmay Masuuliyiintaasi in ay ku dadaalan sidii dhankooda ay uga qayb qaadan lahaayen Horumarka Balaaran ee ka socda Puntland isla marahaantaana ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen kobcinta dhinaca mashaariicda ee ka bilowday Puntland.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online