Madaxweyne ku xigeenka PL oo shahaadooyin gudoonsiiyay 60-Arday oo ka qalin jabiyay Mahcadka Dr. Axmed Xaaji.[Masawiro]

October 18, 2014 - Written by Editor

DSC02132Garoowe:-Madaxwayne ku xigeenka Puntland iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada ayaa ka qayb galay munaasabad loo qabtay Ardayda Machadka Dr Axmed ka qalin jabisay kuwaasi  kor u dhaafaya 60-arday oo isuguna jira Rag iyo Dumar waxayna munaasabadu ka dhacday Xarunta shirarka ee Jaamacada Bariga Afrika Faraca Garoowe.

Maamulaha Machadka Dr Axmed  ,CabdiRaxmaan Ibraahim Bindiiriye oo hadalka ku horeeyey wuxuu xusay in Machadku uu ardayda u fududeeyo siddii ay Jaamacad ku tiigsan lahaayeen iyagoo qaadanaya dhamaan Casharadii Dugsiga Sare, wuxuu tilmaamay in Machadku ay tahay markii 2baad oo arday ay ka qalin jabiso ayna wadi doonaan hormarinta iyo sare u qaadida tacliinta Dalka.

Dadka meesha ka hadlay waxaa ka mid wasiirka ganacsiga iyo Wasiirka Deegaanka Dowladda Puntland iyo Sidoo kale Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Faraca Garowe Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf waxayna dhamaantood dhiirigeliyeen Tacliinta oo ay ku tilmaameen furaha nolosha.

Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland ahna ku simaha madaxwaynaha Engineer Cabdixakiin C/laahi Cumar oo xafladda soo xiray wuxuu Ardayda u tilmaamay wax barashada in aysan waqti ku xirnayn yaraan iyo waynaanba lagu baran karo wuxuu sheegay in dowladdu xooga saarayso sare u qaadida goobaha tacliinta laga barto ee Puntland isagoo ku amaanay Maamulka Jaamacada bariga afrika iyo machadka Dr axmedba hawsha adag oo ay bulshada Gobolka u hayaan.

Gunaanadkii waxaa abaalmarino iyo shahaadooyin la siiyay Arday iyo Macalimiin waxaana ardayna ka qalin jabisay Machadka ay si toos ah ugu biirayaan ardayda wax karanayasa Jaamacada bariga Afrika sanadkan.

no images were found

Xafiiska Warbaahinta ee
Machadka Dr Axmed Garowe

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online