Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo la kulmay Agaasimaha Xafiiska UNDP ee Soomaliya (Masawiro)

October 26, 2014 - Written by Editor

DSC00497Garoowe:-Madaxweyne Ku Xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camay ayaa Maanta Xafiiskiisa Xarunta Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNDP ee Soomaliya Mr.George Conway.

Mr.George Conway ayaa waxaa kullanka ku wehliyey Sayed Sahibzada oo ah Madaxa Xafiiska UNDP ee Puntland .

Dhinaca Puntland waxaa Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay kala qeyb galay Kullanka Wasiirka Wasaaradda qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Cali Axmed Faatax iyo Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdisalaam Xasan Ducaale.

Mudadii uu socday Kullanka ayaa waxa ay uga wada hadleen qodobo Muhim ah oo ay kamid ahaayen:-
1: Barnaamijyada UNDP (ROLS) oo ku saabsan Tababarka Booliska,Maxkamadaha iyo Xabsiyada Puntland.
2: Kor uqaadida Xirfadaha aqoonta shaqaalaha Puntland.
3: Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland.
4: Maamul Wanaaga .

no images were found

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa ugu dambeyn Madaxda Hay’addaasi kula dardaarmay in ay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradaha Puntland .

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online