Muxaadaro ku saabsan Fadliga maalinta Arafo oo lagu qabtay Gaalkacyo[Masawiro]

October 1, 2014 - Written by Editor

DSC02612Gaalkacyo:-Muxaadaradaani ku saabsanayd Fadliga iyo dheeraadka ay leedahay maalinta Arafo ee 9ka bisha Dul xija ayaa waxaa soo jeedinayay Sheekh.C/caziiz Axmed Aadam oo kamida Culimada ugu Waawayn Magaalada Gaalkacyo ahna Maamulaha Dugsiga Hoose Dhexe ee Ibnu Cabaas (Gaalkacyo) , waxaana ay ka dhacday Masaajidka Wayn ee Ramadaan.

Sh.C/caziiz ayaa waxaa uu aad uga waramay Fadaaisha ay leedahay Maalinta Arafo isago oo Aayado Qur’aan ah iyo Axaadiithta Nabiga huwiyay Qodob walba oo uu soo qaatay waxaana kamid ah Fadaaishii uu Sh.C/caziiz sheegay :-

1.Waxay kamid tahay Maalmaha kujira Bilaha Alle Doortay ee lagu magacaabo Ash hurul Xurum oo kala ah Bisha Muxaram , Rajab , Dul qicda , Dulxiga oo Maalinta Arafo ay kamid tahay alle kor ahaaye waxaa uu yiri :

(إِنَّ عِدَّةَ الشُّهُورِ عِنْدَ اللَّهِ اثْنَا عَشَرَ شَهْرًا فِي كِتَابِ اللَّهِ يَوْمَ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ مِنْهَا أَرْبَعَةٌ حُرُمٌ ۚ )

2.Waxaa ay kamid tahay Tobonka Maalmood ee Alle doortay kuna dhaartay .

قال تعالى : (بسم الله الرحمن الرحيم * وَالْفَجْرِ * وَلَيَالٍ عَشْرٍ * وَالشَّفْعِ وَالْوَتْرِ)

Sh.C/caziiz waxaa uu witriga ku fasiray Maalinta Arafo isaga oo kaso guurinaya Saxaabada.

3.Alle ayaa Maalintaan si gaar ah ugu dhaartay oo suurada Buruuj waxaa uu Alle ku dhaartay وشاهد ومشهود

Cali Binu Abii daalin , ibnu Cabaas , Ibnu Cumar iyo Abuu hurayra waxaa ay ku fasireen Shaahidku in uu yahay Maalinta Jimcaha , Mash huudkuna Maalinta Carafo.

4.Waa Maalinta ugu wanaagsan ugu khayrka badan Maalmaha Dunida , xataa waxaanan ka fadli badnayn Jihaadka loo boxo kor yeelida kalimada Alle oo qofkii aadaa uu ka dhigan yahay Qof Maalintiina oo dhan sooman Habeekiina Salaad u taagan , laakiin waxaa lagasoo reebay ninkii Naftiisa iyo Hantidiisa oo dhan la boxo oo aan lasoo noqon.

5.Waa Maalintii Alle cadeeyay dhamaystiran diinta Islaamka oo waxaa lasoo wariyay in Nin yahuudi ah uu iyimid Cumar Binu Khadaab oo ku jiri , aayad ku jirta Qur’aan kiina haday nagusoo dagi lahay Maalintay soo dagtay Ciid baan ka dhigan lahay (sida ay ula wayntahay Maalintaasi iyo dheeraadka ay leedahay Awgiis) Cumar ayaa waydiiyay waa aayadee saa wuxuu sheegay Aayada Alle uu ku oranayo : “Maanta ayaan diintiina idiin dhamaystiray” Cumar ayaa marka waxaa uu ugu jawaabay waan aqaana meesha ay kusoo dagtay iyo Maalinta ay soo dagtay waxaa ay kusoo dagtay Nabi Muxamed oo Carafo taagan Waliba Maalin Jimce ah.

6.Waa Maalinta ugu Muhiimsan ee Xaj waliba Nabigu waxaa uu tilmaamay in Xajka oo dhami yahay Carafo.

7.Maalinta Afaro waxaa lasuneeyaa in ay Soomaan Dadka aan xajka joogin Qofkii Soomana waxaa Alle uu Maalinta soonkeeda ugu dhaafayaa Dunuubtii uu galabsaday Sanadka Dhamaaday iyo Midka bilaaban doona.

8.Waa Maalintii lasoo kulmiyay Reer Aadam ama binu aadamka markii Alle u abuuray kadib uu ka qaaday Balanta ah in ay qiraan in Alle uu yahay midka Abuuray oo Xaqqa uleh inay Caabudaan.

9.Waa Maalinta Alle uu ka xoreeya Naarta Dadka ugu badan ee Naarta laga xoreeyo.

10.Waa Maalinta Alle Adoomadiisa Dhulka jooga ee Binu Aadamka uu ugu faano Malaaikta Samada joogtay waxaa uu leeyahay fiiriya Adoomadaydii iyaga oo baahan oo rafaad ka muuqdo ayay meel walba oo fog iskaga yimaadeen.

عن عائشة رضي الله عنها ، عن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ما من يوم أكثرُ من أن يعتق الله فيه عبيداً من النار من يوم عرفة ، وإنه ليدنو ثم يباهي بهم الملائكة ، فيقول : ما أراد هؤلاء ؟، وعن أبي هريرة رضي الله عنه قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : إن الله يباهي بأهلِ عرفات أهلَ السماء ، فيقول لهم : انظروا إلى عبادي جاءوني شعثًا غبرًا

11.Waa Maalinta ay ugu khayr badan tahay Ducada la ducaysto .

خير الدعاء دعاء يوم عرفة، وخير ما قلت أنا والنبيون من قبلي: لا إله إلا الله وحده لا شريك له، له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير

12.Waa maalintii Nabigu la dardaarmay Umadiisa Dardaarankii guud ee ugu danbeeyay , uuna Xilkii Dacwada iyo Diinta Islaamka fidinteeda ku wareejiyay Saxaabada.

Intaasi ka dib Sh.C/caziiz waxaa uu ka waray Salafka iyo Maalinta arafo sidii ay ku ahaayeen. Sh.C/caziiz ayaa in badan ka hadlay Dardaarankii uu Nabigu siiyay Saxaabada waxaana kamid ah:-

1.Ku dhagida Kitaabka Alle iyo Sunada Nabiga :

تركت فيكم ما إن تمسكتم به لن تضلوا بعدي أبدا كتاب الله وسنتي‏

2.Xaaraantinimada Dhiiga iyo Sharafta Muslimiinta :

إن دماءكم وأموالكم حرام عليكم كحرمة يومكم هذا في شهركم هذا في بلدكم هذا

3.Alle Caabuda , Shanta Salaadood Tukada , Bisha Ramadaan Sooma , Zakada Xoolaha iska bixiya.

اعْبُدُوا رَبَّكُمْ ، وَصَلُّوا خَمْسَكُمْ ، وَصُومُوا شَهْرَكُمْ ، وَأَدُّوا زَكَاةَ أَمْوَالِكُمْ، تَدْخُلُوا جَنَّةَ رَبِّكُمْ

Saxaabadii waxaa ay ugu jawaabeen Nabiga Markii uu la dardaarmay :

قالوا : نشهد أنك قد بلَّغت رسالات ربك، وأديت ، ونصحت لأمتك ، وقضيت الذي عليك . فقال بإصبعه السبابة يرفعها إلى السماء وينكتها إلى الناس : اللهم اشهد اللهم اشهد.

Gabagabadii waxaa uu shiikhu kula dardaarmay dadwaynihii dhagaysanayay Muxaadarada in loo koco Xilka dacwada ee Nabigu ku wareejiyay Saxaabada , Saxaabaduna ay ku wareejiyeen taabiciinta oo saas kusoo socday , maantana inaga uu xilkeeda na saaran yahay , Qof walbana looga baahanyahay meesha uu kaga aadan yahay in uu kasoo boxo sidda Ganacsadaha , Oday Beeleedka , Aqoon yahanka , iyo dadka kalaba , waxaana uu si gaar Shiikhu ugula Dardaarmay Dhalinyarada oo uu ku booray inay xoogooda uga faaideeyaan Dacwada.

no images were found

C/raxmaan C/nuur C/laahi –
Madaxa Warfaafinta
Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online