Nadwo Lagu qabtay Johannesburg iyo Bayaan laga soo saaray (Akhriso)

October 28, 2014 - Written by Editor

DSC08945Johannesburg:-Waxaa habeenkii axada oo isniinta soo galaysay bishana ay ahayd 26 /10/2014 ka lagu soo gaba-gabeeyay masjidka wayn ee Imam shaacifi ee ku yaalo magaalada Johannesburg nadwo cilmiyeed diini ah oo socotay labo habeen sabtidii 25ka iyo axadii 26ka.

Nadwadan oo ahayd tii labaad ee sanadkan ayaa waxaa cinwaankeedu uu ahaa (AHAADA ADOOMADA ALLE OO WALAALO Ah) waxaana ka baxay afar darsi oo labo darsi la galay habeenkii sabtiga labada darsi oo kalane waxaa la galay habeenkii axada, waxaa qaatay darsigii ugu horeeyay Sh. Qaasim Cabdi hayaan oo ka hadlay (XASADKA IYO SAAMAYNTA UU KU LEEYAHAY WALAALNIMADA ) waxaana uu sheekha si fiican uga hadlay mowduucaas asagoo soo bandhigay adilo iyo qisooyin ku saabsan xaasadnimada iyo sida ay u dhaawacayso walaalnimada islaamka.

Intaa ka dib waxaa qaatay darsigii labaad sheekh shariif maxamed oo ah imaamka masaajidka shaafici waxaana uu ahaa cinwaanka muxadaradiisa ( KHILAAFKA IYO MURANKA SAAMEENTA AY KU LEEDAHAY WALAALNIMADA ISLAAMKA ) sidoo kale shariifka ayaa si qoto dheer uga hadlay khilaafka iyo dhibka uu ku hayo walaalnimadanada ee islaamka aan ku nahay walaalo, waxaana uu tilmaamay shariif in khilaafka uu yahay mid lagama maarmaan ah laakiin uu u qaybsamo mid nooc ahaan la isku khilaafsan yahay oo dhib ahayn iyo mid khilaafku uu yahay iska soo hor jeed uuna yahay midka dhibka leh oo la reebay.
Waxaa habeekii axada oo isniinta soo galaysay oo xalay ahayd la galay labo muxaadaro oo ay kala lahaayeen sheekh shariif abuukar afeey oo soo jeediyay ( QABYAALADA SAAMAYNTA AY KU LEEDAHAY WALAALNIMADA ) iyo diktoor axmed weli oo soo jeediyay ( XUQUUQDA AY ISKU LEEYIHIIN DADKA WALAAL AHA) labada sheekh ayaa si qoto dheer uga hadlay muwduucyadooda waxaana uu soo qaatay sheekh shariif abuukar afeey siyaabaha looga hortagi karo qabyaalada iyo asbaabaha khaldan ee ay nagu keento qabyaalada, waxaana uu soo bandhigay qisooyin tusaayo in mararka qaar dadkanaga soomaaliyeed in ay dhici karto in diinta ay ka hormariyaan qabyaalada arintaa oo ah fool xumo wayn.

Sidoo kale diktoor axmed-weli ayaa ku tilmaamay xuquuqda dadka walaalaha in aan wax ka fulino laakiin loo baahanyahay in aan kobcino xuuquuqda dadka walaalaha ka dhaxeeyo oo si fiican loogu baraarugo, waxaana uu sheekha tusaale u soo qaatay sidii soomaalida ay wadankan koofur afrika ugu soo dhaweeyeen muslimiinta wadankan ee hindida ah, sheekha waxa uu yiri maxaa naga dhaxeeya nimankan aan ka ahayn muslimnimada in ay noo soo dhawaynaayeen .
Waxaana soo qaban qaabiyay nadwadan gudiga dacwada ee al-bayaan ee gobolka Gauteng ayadoo dadwayne farabadan ay ka faa,iidaysteen, waxaana nadwadan maamulaayay oo xiriirinaayay sheekh maxamed aadan c/lle oo ah gudoomiyaha gudiga dacwada al-bayaan ee gobolka Gauteng
Ugu danbaystii waxaa lagu soo khatimay nadwada bayaan ay culimada soo saareen.

BAYAANKII CULIMADA
1: waxaan ummada soomaaliyeed gaar ahaan jaaliyada soomaalida koofur afrika u dardaarmeenaa allah cabsidiisa ayadaas ayaa lagu liibaanaa aduun iyo aakhiro
2: waxay culimada dardaarmaayaan in la ilaaliyo walaalnimada ka dhaxayso dadka muslimiinta dhamaan si gaar ah somaalida.
3: waxay culimada dardaarmayaan in meel looga soo jeesto waxyaabaha burburinaayo walaalnimada ee ay ka mid tahay xaasidnimada, khilaafka, qabyaalada, xuquuqda walaalnimana la ilaaliyo si guul aduunyo iyo aakhiro loo gaaro.
4: waxay si gaar ah culimada ula dardaarmayaan wax garadka jaaliyada soomalida koofur afrika sida odayaasha, culimada, aqoonyahanka, dhalinyarada, dumarka, siyaasiyiinta, ganacsatada, in la ilaaliyo sharafta dadka soomaaliyeed ee ku sugan koofur afrika lagana hortago falalka fool xumada ah ee mararka qaar ka dhex dhaco dadka walaalaha ee soomaalida ah.
5: waxayna culimada tilmaameen in dhamaan xubnaha jaaliyada ay mas,uuliyad ka saarantahay sidii nabad loogu wada noolaan lahaa dhulka nalagu soo dhaweeyay una ixtiraamno dadka wadanka nagu soo dhaweyay shacab iyo dowladba.
6: ugu danbaystii waxay u dardaarmeen culimada dadkii faraha badnaa ee masjidka soo xaadiray in culimada lagu xirnaado iyo masaajida si cudurada xun xun ee culimada ay ka hadashay loo baab,iyo, cuduradaas oo la ogyahay in dalkeenii uu soo rogay walaalnimada naga dhaxaysana burburinaayo meel kaste oo aan tagno hadaanan ka digtoonaan

WAXAA DIYAARIYAY MAXAMED AADAN C/LLE
GUDOOMIYAHA DACWADA GOBOLKA GAUTENG
EE MAJLISKA AL-BAYAAN JOHANNESBURG

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online