Sh Maxamed Macalin iyo wafdi culimo ah oo gaaray degmada Galdogob.[Masawiro]

October 31, 2014 - Written by Editor

20141030_093226Galdogob:-Waxaa shalay gaaray degmada Galdogob ee gobolka Mudug wafdi culimo ah oo uu hogaami nayo Sh Maxamed Macalin oo ka mid ah culimada ugu caabsan deegaanada Puntland iyo Soomaaliyaba, wafdiga ayaa waxaa magaalada Galdogob duleedkeeda ku soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galdogob sidda culimada ,odayaasha, maamulka degmada,iyo dhalin yarada iyo waliba wasiiru dawlaha wasaarada arimaha gudaha ee Puntland Cali Jamac Yuusuf.

Wafdiga culimada shalay gaaray degmada Galdogob soo gaaray waxaa hogaaminayay Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo ka mid ah culimaa.udiinka Puntland ahna maamulka sare ee jaamacadda bariga Africa.

Waxa kale oo ka mid ahaa xubnaha wafdiga Sh Ciise Siciid  Max,ed oo ah gudoomiye ku xigeenka guud Mu.assada Alminhaaj ee dacwada iyo horumarinta iyo Sh Faarax Maxamed Cajab oo ka mida culumada degaanka ka soo jeeda fadhigiisuna yahay magaalada Boosaaso islamarkaasna ah gudoomiyaha mu.assasada Alminhaaj faraceeda  gobolka Bari .

Culimada ayaa inta ay joogaan degmada waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida culimada,golaha guurtida.ganacsatada,maamulka degmada,iyo ururada dhalinyarada.Waxaa kale oo ay bulshada la qaadan doonaan kulamo wacyi galin ah waxaana ay booqan doonaan goobaha muhiimka ah ee magaalada.

Muxaadarooyin guud ayay culimadu sidoo kale bulshada ujeedin doonaan waxaana muxaadarooyinkaas u soo horaysa muxaadarada koowaad oo uu caawa Sh Maxamed Macalin ka jeedin doono Masaajid jaamaca ah ee magaalada waxaana uu shiikhu dadka kala hadli doonaan(ilaalinta dantaguud) iyo waliba dhibaatooyinka mukhaadaraadka oo ah habeen danbe.

Si kastaba ha ahaatee maahan markii ugu horaysay ee ay culimadu degmada soo booqdaan ee waxaa jiray marar badan oo ay degmada culimo badan ay yimaadeen. Dadwaynaha reer Galdogob ayaa si wayn ugu farxay imaatinka culimada una soo dhaweeyey si wanaagsan.

no images were found

C/raxmaan Jabiin
GaLdogob,Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online