Shirweynihii UAE Counter-Piracy Conference 2014 oo soo Gebageboobay Iyo Madaxweynaha PL oo Khudbad ka Jeediyey.[Masawiro]

October 30, 2014 - Written by Editor

IMG_4184Dubia:-Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa kulankii labaad maanta ka qayb galay shirweynihii UAE Counter-Piracy Conference 2014 ee ka furmay shalay duhurkii Hotelka weyn ee caala’miga ah ee JM MARRIOTT MARQUIS DUBAI ee magaalada Dubai ee wadanka isutaga imaaraadka carabta.

Shirweynahan caalamiga ah oo ay kasoo qayb galeen wafuud cadadkoodu uu gaadhay ilaa 200 oo ergay iyo marti sharaf badan oo kale oo qiyaastii 700 qof ahayd ayaa waxaa ay isugu jireen wufuudaasi kuwo ka kala yimi wadamo ay tiradoodu gaadhaysay 30 wadan, NATO, EURIPION UNION, United Nation ka iyo wakiilo ka kala socday shirkado ay ka mid ahaayeen DP World, ayaa ah mid looga arinsanayo arimaha Budhcad badeednimada oo noqotay mid adduunka oo idil gacanta ay ka teegeen.

kulankii maanta oo uu hadalka furmay madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiweli M Ali Gaas, ayaa waxaa uu madaxweynuhu ka jeediyey khudbad aad u dheer oo qaadatay mudo shan iyo toban daqiiqadood ah, khudbadaas oo ahayd mid dhinacyo taabanaysay.

Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Gaas ayaa waxaa uu ka warbixiyey dhibaatooyinka budhcad badeeda iyo  kaluumaysiga sharcidarada ahi ku hayaan Puntland iyo sida loogu baahan yahay in wax laga qabto.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa waxaa uu sheegay in dawlada Puntland ay waxy weyn ka qabatay xakamaynta budhacad badeeda iyo aafooyinka kale ee ka jira geeska afrika haba ugu horayso amuurtani hada loo fadhiyo lafagurkeeda.

Kulankii maanta oo ahaa gebagebadii shirweynaha UAE Counter-Piracy Conference 2014 ee ka furmay maalintii shalay ayaa ahaa mid ku soo dhamaaday jewi wanaagsan.

Madaxweynaha dawlada Puntland iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa maalinta berrito ah u anbabixi dona magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalka Ethiopia, halkaas oo ay Puntland ugaga sii kicitimi doonaan maalmaha fooda inagu soo haya.

no images were found

DHAMMAAD.

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online