Siminaar ka furmay Laascaanood una furmay 100 Macalin oo dhiga Quraanka Kariimka ah.[Masawiro]

October 5, 2014 - Written by Editor

DSC_0468Laascaanood:- Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xaruta gobolka Sool ka furmay siminaar loo qabanayo Macalimiinta Qur’aanka Kariim ka ah ee Gobolada Sool Sanaag,iyo Cayn ,Siminaarkan ayaa waxa qabanaysa Haayada Caalamiga ah ee Manhal waxaana Fulinaysa Jimciyada Qur aanka Kariimka ah Ee Gobolada Sool Sanaag,iyo Cayn.

Macalimiintan ayaa waxaa labari doonaa qaabka Casriga ah ee loola dhaqamo ardayda ay gacanta ku hayaan sidoo kale waxaa lagu barayaa macalimiinta qaabka ardayda kor loogu qaado fahankooda iyo in ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Dacwada Gobollada Sool Sanaag Iyo Cayn, Sh.Axmed Maxamed Saleebaan oo ka hadlay Ahmiyada Barida Quraanka iyo Doorka Jimciyada Qur aanka Kariimka Ee Gobolada Sool Sanaag Iyo Cayn,

Sidoo kale waxaa halkaas kahadlay Gudoomiyaha Golaha Shuurada ahna Siihayaha Xilka Gudoomiyaha  Jimciyada Qur,Aanka kariimka ah Sheekh Mubaarig Dool,oo macalimiinta kula dardaarmay in la ilaaliyo wakhtiga lagana faaiidaysto Casharada,
Gudoomiyaha Ganacsatada Ee Gobolka Sool Cabdirqaas Dhabayaco ahna Maamulaha shirkada TELESOM,ayaa sheegay inay ka ganacsato ahaan soo dhawaynayaan kulamadan noocan ah waxana markasta sidii aanu jimicyada ula shaqayn jirnay inaan u lashaqayno Macalimiintuna qaataan Doorkooda Baranimo iyo masuuliyadeed,

Mid ka mid ah Tabarayaasha waa jaamaca Cabdillaahi Caydiid waxa uu halkaas oga mahad celiyay Hay’adda Manhal iyo jimciyada Qur aanka kariimka ah,waxana siwayn ogahadalay qiimaha tabarkan uu uyeelan doono macalimiinta iyo in isbadal muuqada ay macalimiintu latagi Doonaan Goobohoodi,waxbarasho,

Masuulka tirsan Haayad manhal Sh,Maxamuud Salaad ayaa halkaas ka sheegay u jeedka haayada manhal inuu yahay sidii Culimada Qur aanka dhigta kor loogu qaadilahaa tabarkan iyo sidii caruurta wax loobarilahaa sh Salaad ayaa kula dardaarmay Macalimiinta in ay ka faaiidaystaan,

Mubaarig Xasan Aar oo ka mida Qurbo joogta ayaa siwayn ogahadlay qaabka maanta caruurta wax loobaro sidoo kalena sheegay in korlooqaado macalimiinta qur aanka kariimka ah dhigta taas oo keenaysa in ubadka siwayn loobaro Qur aanka, waxaana uu sheegay in siwayn ay u soo dhawaynayaan Siminaarkan macalimiinta intaas le eg waxlagubarayo waana mid muhiimadiisa leh in lasiiwado taageerida,Macalimiinta Qur aanka kariimka ah.

Macalimiintan ayaa waxa ay kakala yimaadeen Deegaanadan:-

1. Laascaanood.

2. Buuhoodle

3. Taleex

4. Boocame

5. Xudun

6. Kalabaydh

7. Dharkayn.

8. Widhwidh.

9.Yagoori.

10.Adhi Cadeeye.

11. Daara Salaam {Ex Guumays.}.

12. Tukaraq.

13.Ceegaag,

Macalimiintan ayaa waxa casharada siinaya Culimo Dhaqaatiir Aqoonyahano,

1.Macalin mukhtaar Macalin Cilmi, oo kayimi Sudan khartuum.

2. Dr Jaamaca C\laahi Caydii

3 .Prof,Cabdinaasir Maxamed Bare(Jaamacada Nugaal)

4. Sh,Axmed maxamed saleebaan (Gudoomiyaha Dacwada Gobolada SSC.

5. Sh.Cabadi waaxid Xaashi Gudoomiyaha Manhal Soomaaliya.

6. Dr.Cabdi Majiid Xuseen Sugale.Sudan khartuum.

7. Macalin abshir Cabdi Faarax, Yaman Jaamacada Al-iimaan

Siminaarkan ayaa waxaa uu socon doonaa mudo 3 Casho ah waxaana lagu qaadan doonaa casharo siwayn ay oga faadiidaysan doonaan Macalimiintan ka timi Gobolladaasi.

no images were found

C/kariim C/laahi
Lascanod,Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online