Taliyaha ciidanka maamulka KMG Jubba oo faahfaahin ka bixiyey howlgalo ka socda J/hoose

October 8, 2014 - Written by Editor

cidanKismaayo:-Ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo saaka ka sameeyey deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose  oo  ay shalay ka qabsadeen kooxda Al-Shabaab .

Taliyaha ciidanka maamulka KMG ee Jubba, Aadan Maxamed Ibraahim Aadan Koojaar ayaa sheegay in ay howlgalo ka fuliyeen deegaannada deegaannada Baar-sanguunni, Bangeenni, Mugaanbow mana uusan sheegin in ay cid soo qabteen.

Ciidanka Maamulka KMG ee Juba ayaa waxaa uu haatan ku sugan yahay deegaannada Baar-sanguunni, Bangeenni, Mugaanbow waxaana xalay deegaanka Mugaanbow 50 km waxay dhinaca waqooyi uga beegan yihiin magaalada Kismaayo ka dhacay iska horimaad u dhexeeya ciidanka huwanta iyo Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka maamulka KMG ee Jubba, Aadan Maxamed Ibraahim Aadan Koojaar ayaa sheegay in howlgalada ay ka dhanka ah Al Shabaab ay sii socon doonaan wuxuuna ku goodiyey inAl-Shabaab ay ka saari doonaan maalmaha soo socda Kamsuuma iyo Jilib

Diyaaradaha dalka Kenya ayaa sidoo kale duqeymo ka geystay deegaano ka tirsan goblka J/hoose oo ay howlgalada ka socdaan.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online