Culimada iyo gudiga gurmad qaxootiga Yemen oo qaxooti gaaraya 260 qof degaanadoodii u ambabixiyey.[Masawiro]

July 4, 2015 - Written by Editor

IMG_5456Boosaaso:-Culimada iyo Gurdiga gurmadka qaxootiga dalka Yemen ee Puntland  ayaa galabtay  u raray qaxooti gaaraya 260 oo qof deegaanadii ay ka yimaadeen , waxaana dadkan badankooda ay u socdaaleen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya .

Dadkaan qaxootiga ah ayaa waxay ka mid ahaayeen, qaxooti gaaraya 3,502 qof oo soo gaaray maagalada Boosaaso galabnimadii khamiista la soo dhaafay kuwaas oo ka soo cararay dagaalada Yemen ka aloosan

Dhaqaalaha lagu ambabixiyey ayaa wax uu qayb ka yahay lacagihii shirkadaha iyo bulshada soomaaliyeed ay soo gaarsiiyeen culimada iyo gudiga gurmadka. Qaxootigaan ay culimadu iyo gudiga gurmadku ambaxiyeen  ayaa waxaa lagu raray 11 bas waxaana qof walba lagu ambabixinayey  lacag gaaraysa $120(boqol iyo labaatan doolar ) oo kaash ah.

Dadkaan qaxootiga ah ee maanta gudiga gurmadku ambabixiyey ayaa waxay inta badan ay ku wajahanaayeen Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho.

Shir jaraa’id oo markii dadkaas la ambabixinayay lagu qabtay xarunta ay ku jiraan qaxootiga kasoo cararay dalka Yemen ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Sh Maxamad Macalin Axmed oo ka mid ah culimada soomaaliyeed  isagoo u mahad celiaya Dawlada Puntland , Ganaacsatada, shacabka Puntland iyo wal\alaha soomaaliyeed ee dibada ka soo gurmanaayay wuxuuna ugu baaqay dadka soomaaliyeed ee khayr ka badan in walaalahood u gurmadkooda  aysan ka daalin ,ayna baahidu wali taagan tahay .

Gudoomiyada gudiga gurmadka qaxootiga Yemen Sheikh Axmed Yuusuf Daad oo isna madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in maanta ay rarayaan qaxooti gaaraya 260 qof dadkaas oo loo ambabixinaya koofurta Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho .  gudoomiyada ayaa sheegay  in kharash ay ku rarayaan dadkan uu qayb ka yahay lacagihii ay gudiga iyo culimada soo gaarsiiyeen shirkada iyo bulshada soomaaliyeed .

“ waxaan galabta ambabixinaynaa 11 bas oo ay saran yihiin 260 qof oo qaxooti ah ,qof walba oo ka mid ah dadkaasna waxaan gacanta uga dhiibnay lacag dhan 120 dollar ,waxayna ku wajahan yihiin dadkaani muqdisho” ayuu yiri sheikh Axmed.

Sidoo kale Sheikh Axmed ayaa tilmaamay in dadkaan galabta ay rarayaan ay hor dhac u yihiin qaxooti kor u dhaafaya  seddex kun iyo bar oo ku jira xerada Boosaso , kuwa harayn la rari doono maalmaha nagu soo aadan hadii ale idmo.

Ugu danbahn tii waxaa gabagabdii munaasabada ka hadlay Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha  ee Puntland c/laahi xaashi (qoobdeero) isagoo  u mahad celiyey culimada iyo gudiga gurmadka qaxootiga howsha ay u hayaan bulshada iyo walalahooda qaxootiga ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqay in kaalin mugleh ka qaataan u gurmadka dadka qaxootiga ah ee soomaaliyeed isagoo tilmaamay in aan wali kaalintii laga filayey Dowlada iyo gudiga qaxootiga ee muqdisho aan wali laga hayn.

no images were found

Mu’ssadda Al-mnhaaj
Boosaaso,Somalia

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online