Dawrooyin diini ah oo ka bilowday Masjid Jaamicul Madina ee Burco.[Masawiro]

July 6, 2015 - Written by Editor

9(200).jpgBurco:-Masaajidka weyn ee Jaamicul Madiina (Indhodeero) ee magaalada Burco waxaa ka bilaamatay xaflad lagu daah furayey Dawradii la magac baxday Sheekh.Maxamed Bin C/wahaab,dawradaan oo ahayd Dawradii 7/aad ee ay soo qaban qaabiyeen Ardayda Jaamacadda Madiinatu-Almuna wara Dawradan oo ay horseed ka yihiin Dr.Sh. Xassan Sh. Cali Warsame, Dr Sh. Faysal Maxamed Cali. Sh. C/raxmaan Aadan Ali.

Ugu horayn waxaa xaflada furitaanka hadalo koob kooban ka jeediyey Culamadii ka soo qayb gashay oo ay ka mid ahaa yeen Fadiilatu Sh. Cali Warsame Xassan, Sh. Jaamac Cali Cabdile, Sh. Cabdilaahi Daahir Jaamac iyo Maamulka Mu’ssada dacwada gobolka togdheer ee Alkaram.

Sh.Cali Warsame Xassan ayaa ugu horayn u mahadnaqay Culimada soo diyaariyey dawradan wuxuuna hadalo waano usoo jeediyey Ardayda doonaysa inay ka faa’iidaystaan fursadan qaaliga ah. “ Maadaaba aad tihiin da’ yartii iyo jiilashii cusbaa ee umadan dhaxlayey waxaa la idiinka baahan yahay inaad kor u qaadaan Aqoontiina diineed, waxaa la idiinka baahan yahay inaad bedeshaan mujtamaca maadaaba uu ku soconayo dagaal dibadeed iyo mid gudeedba”. Wuxuu sheikh cali tilmaamay in Cilmiga shareecadu yahay ka lagaga hortagayo jahliha iyo fasaadka ragaadiya Bulshadu, dumiyana Qayimka ay leedahay Ummaddu.

Waxaa iyana halkaa ka hadlay Sh. Jaamac Cali Cabdile iyo Sh Cabdalla Baasha Daahir iyo Dr, faysal Maxamed Cali oo ka mid ah Culimada gobolka waxayna aad ugu fogaadeen ku baraarujinta dhalinyarada inay wax bartaan Maadaaba ay dhalinyaradu yihiin mustaqbalkii Ummadda, iyo kuwii berito qaban lahaa hogaanka dalka inay u diyaar garoobaan inay noqdaan macalimiintii mustaqbalka. “ waxaa maanta Caalamka lagu tartamaa waa sidii wax loogashan lahaa Jiilasha idinka oo kale si ay berito Afkaar iyo aragti kale ay ula yimaadaan.” Waxay ku soo khatimeen inay u diyaar garoobaan inay buuxiyaan dawrkii ay ku lahaayeen Bulshada oo ah in wax loo barto si loogu hago ummadda dariiqa toosan.

Ugu danbayn waxaa madasha ka hadlay Dr.Sh. Xassan Sh Cali Warsame oo ka mid ah Culimada soo Diyaariyey dawrooyinkan, Mahadnaq balaadhan oo uu usoo jeediyey Culimada kala qayb qaadanaysa Dawradan ka dib wuxuuna ka warbixiyey ujeedooyinka iyo ahdaafta laga leeyahay dawradan inay ka mid tahay.

· In la barto cilmiga Shareecada Islaamka iyadoo lagu gudbinayo wasaa’il ama dariiqayo cusub iyadoo laga faa’iideysanayo fasaxyada waxbarashada.

· In dhalinyarada la tusiyo dariiqooyin cusub oo lagu faafin karo cilmiga shareecada iyadoo la adeegsanayo qorshe fudud iyo waqti kooban oo camali ah.

· In fursad lasiiyo ardayda aan waqtiga u helin inay barashada shareecada kuna xidhnayn Masaajidada.

· In laga faa’iideysto waqtiga dhalin yaranimada iyo fursada la haysto si loo buuxiyo firaaqada banana ee la haysto.

Dawradan oo ah tii 7aad ee wata shicaarka Sh. Maxamed Bin Cabdiwahaab waxay soo bilaabeen 1428 oo ku began 2008 waxaa soo daadihiynayey Ardayda ka socota jaamicada Islaamiga ee Madiinatu-Al-muna wara oo sanad walba iska xilsaara sidii ay uga faa’iideyn lahaayeen Aqoonta ay xanbaarsan yihiin Bulshadana ugu soo celin lahaayeen wax ka mid ah Aqoontooda.

no images were found

Mu’assada dacwada iyo horumarinta
gobolka togdheer ee Al-karam

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online