Madaxweynaha DFS oo furay shirka Hiigsiga Soomaaliya 2016 xili ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland (Masawiro)

July 29, 2015 - Written by Editor

shir_calamiMuqdisho:-Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa saaka ka furmay shir caalami ah oo oo looga hadli doono barnaamijka hiigsiga cusub ee Soomaaliya 2016 waxaana shirka furay madaxweynaha DFS Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud .

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb gali doona madaxda DFS , wafuud ka kala socota 30 dowladood iyo ururro caalami ah oo daneeya arimaha Soomaaliya.

Shir caalami ah ee ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah u shir-guddoominayaan madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wakiilka xog-hayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya  Mr.Nicholas Kay .

Madaxweynaha DFS ayaa markii uu furay shirka waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay hormar badan ka sameysay dhinacyada siyaasadda iyo amniga, isaga oo sidoo kale guul ku tilmaamay soo dhisida laba maamul goboleed.

no images were found

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in shirka ay ka maqan yihiin Maamulada Puntland iyo Jubaland wuxuuna sheegay in wixii khilaaf ah lagu dhameyn karo wadahadal iyo is fahan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online