Madaxweynaha DFS oo si kulul u canbaareeyey Qaraxii Hotel Al-Jazeera.

July 26, 2015 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixisonimo ee maanta kooxaha nabad-diidka ku qaadeen hotel Jasiira oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeeddada argagixisada ay tahay inay hor istaagaan rabitaanka shacabka oo ah inay nabad iyo barwaaqo gaaraan, taasina aaney marnaba dhici karin.

“Waxaan u tacsiyeynayaa dhammaan dadkii wax ku noqdey falkan argagixisonimo. Waxaana caafimaad degdeg ah u rajeynayaa dadkii ku dhaawacmey weerarkaasi waxashnimada oo aan wax shuqul ah ku lahayn diinteena saliimka ah. Waan hubaa inaan argagixisada ka adkaaneyno, marnababa ma dhacayso inay shacabka ka dhigtaan la-haysteyaal”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hawlgallada milateri ee sida wadajirka ay u fulinayaan ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay khalkhal weyn ku abuureen argagixisada, taasina ay dhalisey inay iyagoo naf la caarri ah ay beegsadaan shacabka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku boorriyay ciidammada amniga inay kordhiyaan feejignaantooda, isla markaana ay soo dedejiyaan hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad diidka.

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online