Madaxweynaha oo Xuska 1-Da Luulyo Awgeed Ubax Dhigay Taalada Daljirka Dahsoon.[Masawiro]

July 1, 2015 - Written by Editor

madawMuqdisho, July 1, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xuska sannad-guurada 55-aad ee xornimada iyo midnimada dalka awgii ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen xubno ka tirsan labada gole, ayaa ubax-dhigga kadib sheegay in Soomaaliya ay ku socoto waddadii horumarka iyo nabadda, qof walba oo Soomaali ahna looga fadhiyo inuu kaalin ka qaato.

“Waxaan mar kale hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luulyo u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Farxad ayay inoo tahay inaan si nabad ah u qabano munaasabaddan quruxda badan. Si aan horey ugu dhaqaaqno waxaa la inaga rabaa inaan gacmaha is qabsano, inaan qabano shaqo adag iyo nabad dhisid, hawlhaasi oo horseedi doona inaan caalamka maqaam sare ku yeelanno’’, ayu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale fariin u direy warbaahinta , isagoo ugu baaqey inay si xilkasnimo leh uga hadlaan dhacdooyinka waddanka, qeybna ay ka qaataan isku keenista iyo mideynta shacabka.

“Saxaafadda mas’uuliyad ayaa ka saaran inay dalka wax ka dhisaan, nabaddana ka shaqeeyaan. Yaan la isku khaldin xoriyadda saxaafadda iyo warxuma tashiilka. Saxaafadda waa inay noqotaa mid wax dhista, oo ka dhowrsanaata inay tebiso warar kutiri-kuteen ah. Dowladda way taageereysaa shaqada saxaafadda xorta ah, laakiin waa in xornimadaasi ay mas’uuliyad la socotaa oo wararka la tebinayaa ay noqdaan kuwo xaqiiqo ah, dadkana nabadda u horseeda’’.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in fadliga bisha Ramadan awgeed uu Ilaahay ka dulqaado culeysyada jira, sannadkan kiisa kalena ay ku gaaraan caafimaad , horumar, nabad iyo barwaaqo.

no images were found

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online