Markab sidday 3502 oo qof oo qaxooti ka soo cararay Yeman oo soo gaaray Boosaaso.[Masawiro]

July 2, 2015 - Written by Editor

IMG-20150702-WA0039Boosaaso:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari qaxooti ka yimid dalka Yeman oo lagu qiyaasay in ka badan 3502 qof, Qaxootigaan oo u badan Soomaali ayaa waxaa dekkadda Mukalla ka soo qaaday dooni lagu magacaabo Nawal 3 oo uu ganacsade Soomaaliyeed ugu deeqay dadka soomaaliyeed ee ku sugan weli dalka Yeman.

Dadka maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa tiradoodu ay gaaraysaa ilaa 3502 qof oo iskugu jiray rag , Dumar iyo Caruur , Dumarka waxaa ay gaarayeen ilaa 1293, Caruurti 1643 halka Rag ay gaarayeen ilaa 566.

Markabka ayaa markii uu ku soo xirtay dekadda weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa aad u soo dhaweeyey maamulka Gobolka Bari iyo gudiga gurmada qaxootiga Yeman ee Boosaaso iyo dadweynaha reer Boosaaso oo aan arrinkaas u kala harin iyagoo dadka walaalahood la soo gaaray Cunto, Cabitaan halka maamulka Gobolka Bari uu dadkii aadka u darnaa oo ay ku jiraa 2 haween oo uur leh iyo dad dhaawac ah lagu qaaday Ambalayso lana geeyey Isbitaalada ku yaal Boosaaso si ay u hellaan daryeel caafimaad.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online