Ra’iisul Wasaare ku xigeenka DFS oo ka qayb galay xus loo samaynayey 53 guuradii ka soo wareegatay Xoriyadda dalka Burundi

July 3, 2015 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane  Maxamed Cumar Carte iyo xubno ka tirsan golaha Wasiiradda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali  iyo Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Daahir Aaden Cilmi,   ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qayb galay munaasabad lagu xusayay 53-guuradii kasoo wareegtay markii ay xoriyadda qaateen dalka Burundi, taasi oo soo qaban qaabisay safaaradda Burundi ee magaalada Muqdisho.

 Safiirka dowladda Burundi u fadhiya Soomaaliya  Joseph Nkurunziza, ayaa ku dheeraaday halgankii dheeraa ee bulshada reer Burundi usoo galeen xoriyaddooda, isagoona xusay in ay ka go’antahay taageerada iyo dadaalka nabadeyna Soomaaliya ay ka wadaan.

 “Shacabka Burundi waxey fahamsanyihiin muhiimadda ah in wallaal loo gurmado marka uu gurmad u baahanyahay, waana sababta ay ciidamadeenu u joogaan Somalia si ay nabada u soo celiyaan. Somalia waxey istaahishaa nabad iyo xasilooni in dadkeedu helaan. Waxaan sii wadi doonaan dhiigga ay wilasheena reer Burundi u hurayaan dalkooda labaad ee Soomaaliya” ayuu yiri Safiirka Burundi ee Soomaaliya.

 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa hambalyo u diray shacabka iyo madaxda Burundi, isagoo dhianaca kale uga tacsiyeeyey askartii uga dhimatay weerarkii ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose.

 Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa hambalyo u diray guud ahaan dadka reer Burundi, wuxuna sheegay dowladda Burundi iyo shacabkeeduba in Soomaaliya ay usoo gurmadeen waqti adag oo taageero iyo isgarab tag ay u baahnaayeen.

 “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay taageerada Burundi ee dhanka amniga. Ciidanka Burundi waxey safka hore uga jiraan howlgalada kooxaha nabad-diidka dalka looga sifeynayo, iyagoo qeyb ka ah AMISOM.

Ciidankeennu iyagoo kaashanaya AMISOM waxey  habeen iyo malinba u taagan yihiin sidii cadowga looga sifayn lahaa goobaha ay dalka uga harsan yihiin, bacdamaa ay khatar ku yihiin Soomaaliya iyo caalamka oo dhan.

Burundi waxaan kala shaqeyn doonaa sidii xiriirka labada dal u sii xoojin laheyn.” Ayuu yiri R/Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed  Cumar Carte ayaa dhanka kale  sheegay in dowladda Burundi  ay Soomaaliya u soo gurmatay xili aad u adag, shacabka Soomaaliyeedna aysan marnaba illaawi doonin sida ay dhiigooda ugu hureen si Soomaaliya ay nabad u noqoto.

no images were found

Ahmed Mohamed

Muqdisho,Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online