Tartankii Quraanka Kariimka ee ka socday Gaalkacyo oo la soo gabagabeeyey.[Masawiro]

July 4, 2015 - Written by Editor

DSC04915Gaalkacyo:waxaa lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Gaalkcyo  ee xarunta Gobalka Mudug Tartankii is reebreebka ee  dagmooyin iyo tuulooyinka Gobalka. Tartankaan ayaa bilowday  Sabtidii hore oo ku beeg nayd  10 Bisha Ramadaan.

Tartankaan oo ay howshiisa gacanta ku haysay wadayna Mu’asasada Al-Minhaaj ee Gobalka Mudug  ayna maalgaliso  Sanad walba  shirkada  Korontada Gaalkacyo  ee Nepco,ayaa ah kii noociisa ah oo la qabto sanadkii labaad laguna qabto Magaalo madaxda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo.

Sanadkaan waxaa kaqayb galay Tartanka  Magaaloyinka kala ah:-

Gaalkacyo ,Galdogob ,Balli Busle,Jariiban ,Xarfo iyo magaalada Cagaaran.

Ardayda ka qayb qaadatay Tartanka ayaa gaarayay   41 Ardayda oo isigu jiray saddexqaybood oo kala ah:-

1. Qaybta  1aad waxay ku tartamaysay  Sodonka  juz Ee qur’aanku kakoban yahay

2. Qaybta 2aad waxay ku tartamaysay Labaatan juz(20)

3. Qaybta 3aad na ay ku tartamaysay Toban juz(10)

Xaflada oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay  ayaa ugu horayn waxaa  lagu furfuray Aayaadka qur’aanka kariimka ah oo uu akhriyay aryda ka mid ah ardaydii  sodonka juz ku tartamaysay.

Waxaa sidoo kale ka hadlay goobta gudoomiyahay Mu’asasada Al-Minhaaj ee Gobalka Mudug  Sh.Muxamed  Siciid  Muuse

Dadkii ka soo qayb galay xaflada ayaa aad ula dhacay xaflada waxaa ka mid ahaa xubnahaas maamulaha shirkadii bixisay  kharashkii ku baxay tartankan oo gaarayay 6000 $ waa shirkada  Korontada Gaalkacyo Ee Nepco Yasiin  Maxamuud  Indhayare wuxuuna u hambalyeyey dhamaanba ciddii ka soo shaqaysay Tatankaan gaar ahaana mu’asasada al minhaaj ,isagoo sii raaciyay in ay sanadka dambana qaadana yaan tartankaan wuxuuna ka cod saday mu’asasadu in ayna ka siin shirkado kale  Barnaamijkaan .

Ugu dambayntiina waxaa laguda galay  Abaal marintii lasiinayay Ardydii kaalimaha kagashay  tartan kaan  soconayay usbuuca,iyadoo ardaygii ugu sareeyay la siiyay 500$ shahaadatu mushaaraka iyo alaabo kale,waxaa sidoo kale abaal marino iyo shahaadooyin lagu doonsiiyay mucalimiintii Tartanka qaadaysay

Sikastaba ha ahaatee waxaa si heersaraa  kusoo dhamaaday tartankii oo boqolaal dadwaynaa goobjoog ka ahaayeen ,halka kumanaan kalana kala socdeen idaacada Qur’aanka  Al-Xikma  oo si toos ah utabinaysay Tartanka.

no images were found

Cawil  Axmed Muumin 
Mu’asasada  Al –Minhaaj  Gaakacyo

 

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online