Xafladii Tartanka qur,aanka kariimka ah oo la soo gaba gabeeye Degmada Carmo.[Masawiro]

July 5, 2015 - Written by Editor

IMG_0237Boosaaso:-Waxaa lasoo gaba gabeeyey  tartanki Qur.aanka kariimka ee ka socday masjidka ALTAQWA ee Degmda Carmo   kaasi oo ay ku tartameen ilaa iyo 11 arday oo kakala socday 5 Dugsi Quraan oo ku yaala degmada Carmo.

Munaasibad balaaran oo ABAALMARINO lagu gudoon siinayey ardaydi kaalimaha kala duwan gashay  ayaa lagu qabtay  gudaha mesjidka ALTAQWA ee Degmada Carmo  munaasabada oo ay soo qaban qaabiyen Gudiga  Dacwada ee degmada carmo  iyo Mu.asasadda Al-minhaaj  ayaa waxaa ka soo qayb galay  Maamulka Degmada carmo  culimaa udiin  waalidiin  iyo masuuliyiin ka socotay Mu,asasada  Al-minhaaj ugu horeeyn waxaa xafladan  Daah furay Sh. c/raxmaan Bukhaari  oo ka mid ah  culimada ugu caansan puntland iyo guud ahaan somalai  waxana uu  sheakhu u duceeyey ilmaha yaryar ee ku tarta mayey  Qur.aanka  sidoo kalena waalidka ayuu ku booriyey in ay iyana ku tartamaan  Qur,aanka iyo barshadiisa.

Sh.c/raxman ow ciise oo ah  gudoomiye kuxigeenka Mu,asasada Al-minhaaj ee gobolka bari ayaa isaguna faalo ka bixiyey hadafka laga leeyahay tarankan iyo faa,idada ku jirta, islamarkaasna ballan qaaday in ay hadda kadib Gabdhuhu tartanka ka qayb gelidoonaan, sidoo kale wuxuu sheegay in ardaygii soo baxa tartanka guud  uu yahay mid Puntland u soo baxay ee aanu usoo bixin Degma iyo xaafad gaara.

Nabadoon yuusuf axmed ciise  oo ka mid ahaa waxgaradki  goobta ka hadlay ayaa hanbalyo u  jeediyey ardayda tartankan  ka qayb gashay iyo mu,asasada  Al-minhaaj oo uu sheegay inay u taagan tahay Dacwada iyo horu marinta Bulshada.

Bile ismaacil ciise  nuux oo ka socday maamulka Degmada ayaa  uga mahad celiyay gudiga dacwada ee degmada Carmo iyo mu,asasada  minhaaj shaqada wanaag san ee ay qabteen  ugu danbayntii waxaa halkaasi abaal marino  qaaliya lagu Gudoon siiyey  ardaydi ka qayb  gashay tartanka iyo  gudigi Garsoorka ka  ahaa tartan kaasi waxana xusid mudan in  sadexda arday ee ugu sareeyey  tartankan  ay
ka socdeen Dugsiga  Ibnu Baz ee degmada carmo  ,Tartankan ayaa ahaa mid lagu kala saarayey  Ardaydi Degmada Carmo iyo Degaanada hoos yimaada uga qayb geli lahayd tartanka Quraanka kariimka   gobolada iyo Degmooyinka puntland oo sanad kasta lagu qabto Magaalada  Garoowe.

Si kastaba ha ahaatee Xafladda ayaa ahayd mid aad u xammaasad iyo xiiso badan oo ay aad ugu qushuuceen dadweynihii ka soo qayb galay waxayna ku soo dhammaatay jawi aad u qurux badan.

no images were found

Mu’ssadda Al-minhaaj
Boosaaso,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online