Barnaamijka Waxbarashada Hablaha Gobolka Sool.[Daawo Video-ga]

August 30, 2015 - Written by Editor

laskaLaascaanood:-Inta badan burburkii dawadii Somalia ka dib waxaa bur bur ballaadhan uu ku yimid dhamaan qaybaha kala duwan ee nololsha dadka Soomaaliyeed , marka laga reebo diintooda oo aanay wax isbedel ah ku imaan dhamaan 18-ka gobol ee Soomaaliya. Isbedellada ugu waaweyn ee iska soo daba dhacaya Somalia tan iyo 1990-2015 waxaa ka mid ah iyadoo marba marka ka danbaysa ay gobollada Soomaaliyeed ay soo hagaagayso horumar ka waxbarashad guud ahaan gaar ahaan aqoonta casriga ah , iyo tan diinta Islaamkaba.

Barnaamijkan oo aanu todobaadkan ku eego doono Xaalada waxbarashada hablaha gobolka Sool , waxaanu diirada ku saari doonaa xaalada dhabta ah ee waxbarashada Hablaha iyo heerarka kala duwan ee ay wax ku bartaan hablaha gobolka.

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo ka mid ah magaalooyinka Soomaalidu degto horumarada dhinaca waxbarashada , iyo koboca aqoonta noocyadeeda kala duwan , ha noqoto aqoonta Diinta iyo aqoonta maadiga ah ayaa sanadadii u danbeeyay gaadhay horumar la taaban karo . Iyadoo magaaladu ay heshay aqoonsi baalaadhan oo dhinaca diinta iyo Macaaahida.

Balse magaalada Laascaanood waxay kaga duwan tahay magaaloyinka kale ee Soomaalidu degto iyadoo leh Macaahid waaweyn oo u gaar ah Dumarka , kuwaaso si weyn loogu barto Shareecada Islaaamka.

Sidoo kale Magaalada Laascaanood ayaa ah magaalo horumar ballaadhan oo dhinaca diinta ka gaadhay , taas oo uu qiray Muftiga Soomaaliyeed Sh Maxamed Cabdi Umal mar uu safar Dacwadeed ku marayay badhtamihii sanadkii hore ee 2014 magaalooyin badan oo ka mid ah Deegaanada Waqooyiga Somalia Puntland iyo dawlad deeganaka Soomaalida Ethopia
Sh Maxamed Cabdi Umal waxaa uu soo maray Magaalada Laascaanood ee xarunta Sool Shiikhu wxaa uu kormeeray qaar ka mida goobaha waxbarasho , isaga oo sheegay in Laascaanood ay ka jirto Horumar balaadhan oo dhinaca Diinta iyo aqoonta kale.

Shiikhu wuxuu kalp sheeagy in Laascaanood ay tahay goob cilmiga loo soo doonto , ayna haboon tahay in laascaanood laga bedelo magaca looona bixiyo Laas-Cilmi oo ula jeeday magaaladii Cilmiga.

Guud ahaan xaalada waxbarasho ee gobolka Sool ayaa iminka aad u sareysa waxaa magaalada ku yaalla Dugsiyo badan oo ka koobana noocayada kala duwan ee goobaha waxbarashada si heer sare wax loogu barto kuwaasoo ka bilwoda Dugsiyada caruurta lagu xanaaneeyo illaa Jaamacado , sidoo kale waxaa ku yaalla oo waliba ku badan Macaahida laga barto shareecada Islaamka , Macaahidani ay soo saaraan arday aad u farabadan sanad waliba ayaa ah kuwa ugu badan ee ay wax ka bartaan ardayda gobolka u soo baxa.

Macaahidan oo uu ugu hooreeya Machadka weyn ee Al-furqaan ayaa ah Machad si wayn looga yaqaano Gayiga Soomalidu degto ayaa sanad waliba uu soo saara ardayda ugu tayada wanaagsan ee bulshada u soo baxa.

Hadaba, waxaa si ta la mid ah Horumarka dhinaca waxbarasha uu ka jiraa goobaha wax lagu baro Hablaha gobolka Sool guud ahaan , iyadoo ay jiraan macaahid waawayn oo boqollaal hablood ay dhigtaan , kuwaasoo ay lagu shareecada iyo culuumta Maadiga ah.

Jaamacada Nugaal oo Iyana ka mida goobaha ay si wayn wax uga bartaan hablaha ka soo qalin jabiya Dugsiyada sare ayaa ah Jaamacadu soo saarta sanad waliba boqolaal arday oo ay ka mid yihiin Hablo. Hinda Salebaan Jaamac oo ka Mida Barayaasha Habaha Gobolka Sool , isla markaana Bare ka ah Machadka Tababarka Caafimaadka ee Sool Intisitute ayaa inooga waramaysa Xaalada waxbarasho ee hablaha Gobolka Sool.

Guud ahaan , magaalada laascaanood ayaa leh goobo waxbarasho oo kala duwan , kuwaasoo isugu jira kuwa dusiyo hoose , dhexe Sare iyo Jaamacad, goobahaa aanu soo sheegnay marka la qiimeeyo waxaa ku badan hablaha , iyagoo cel celis ahaan boqolkiiba 60 % dumar yihiin.

Guud ahaan macaahida ku yaalla gobolada Sool Sanaag iyo Cayn ayaa kor u dhaafay 40 Machad oo shareecada kaliya lagu barto , Macaahida waxaa inta badan ku badan Hablaha, Sidoo kale waxaa ku yaalla gobolka Sool Iskuulo ko kor u dhaafaya 40 Iskuul oo ku yaalla gobolada aanu soo sheegnay Soo sheegnay.

Sidoo kale waxaa ku yaala magaalada macaahid waawayn oo u gaar ah dumarka , macaahida ayaa ah kuwa hoostaga Machadka weyn ee Al-furqaan. Machadka Alfurqaan ee barahsada Culuumta Shareecada io Carabiyada ayaa ah hoyga aqoonta gobolka Sool, iyadoo uu machadkani uu soo saaro sanad waliba boqolaal hablood arday kuwaasoo ay Tiro badani kaga jiraan Habluhu ardayda uu soo saaro.

Hoos ka Daawo Barnaamijka Waxbarashada Gobolka Sool by Haradigeed‏

La soco qaybta 2aad ee xaalad waxbarasho ee Gobolka Sool

Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Laascaanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online