Mabaadiida lagu hagyo Geedi-socodka Doorashooyinka Soomaliya 2016

August 2, 2015 - Written by Editor

shir_calamiMuqdish:-Geedi socodka Doorashooyinka ee 2016 wuxuu noqon doonaa iyada oo loo marayo hanaanka ballaaran oo loo dhan yahay ayna qayb ka yihiin dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, qoraalkaan ayaa waxaa lagu faafiyey webka lagu daabaco qoraalada Un-ka ee arrimaha Soomaaliya.

Mabaadiida lagu hagyo Geedi-socodka Doorashooyinka Soomaliya 2016 ayaa ah kuwa laga dooday shirkii ka dhacay Muqdisho ee New-Dealka oo ay isla meel dhigeen Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya , Baarlamaanka Federaalka iyo xubnaha beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya hoos ka eeg qodobada la isla meel dhigay:-

1) Waa in hanaaku noqdaa mid balaadhan oo loo dhan yahay oo dhamaan dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya . Miraha ka dhasho hanaanka waa in ay noqdaa mid ka turjuma ama matalaaysa bulshada Somaalida maanta haday tahay (Dal ahaan Iyo tirada dad ahaanayd). Xubnaha qaabkaan lagu soo doortana waa in ay qanciyaan(buuxiyaan) shuruudo qeexaan oo la isku afgartay.

2) Waa in hanaankani muujiyaa isku dheelitirnaan waafaqsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya ee qabyada ah ama (ku meel gaarka ah).

3) Waa inuu dhiirigaliyaa ka qayb qaadasha dumarka iyo dadka laga tirada badan yahay.

4) Waa inuu dhiirigaliyaa ka qayb qaadasha ururada siyaasadda ilaa heer uu ogalyahay dhismahooda iyo horumarintooda.

5) Waa inuu dhiirigaliyaa midnima qaran ilaa xad wixii suura gal ah, qaab ay uwada siman yihiin gobollada dhamaantood.

6) Waa inuu ahaadaa mid ku dhisan waaqica dhabta ah iyadoo la milicsanaayo khayraadka jira (lahaysto), kartida ama awooda dhanka farsamada, iyo arrimaha nabad galyo ee ku xeeran.

7) Waa inuu ahaada mid huffan, la islana xisaabtami karo, dhiirigalinaayana kalsoonida dadwaynaha.

8) Waa in ay hanaanka ka mid ahaato inuu furo irid cabasho wax ku ool ah loo soo gudbisan karo, rafcaanna laga qaadan karo go’aanada ka soo fulo ku dhaqanka hanaanka.

9) Waa inuu si buuxda u qaataa dooda ku andacoonayso baahida taala ee ah In Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya yahay mid ka turjuma dhamaan soomaaliya qaybaheeda oo dhan matalana siyaadada xuduudeheeda.

10) Waa inuu dhibaato u gaysanin sidda dhiirigalinta falal qarka usaari karo sare u kicinta gluf colaadeed ama dib u celiyo horumarka laga gaaray haatan dhanka dhismaha qarannimada iyo hanaanka diimooqradiyadda.

Afeef: dhamaan mabaadiidaan waxaa lagu xusay heshiiskii dhexmaray golaha dowladda iyo baarlamaan ka sidda ku qeexaan qodobadan:-

1. Hal qof/Hal cod oo dalka guud ahaan ka dhacdo aynan xilligan hirgeli karin.

2. Qabasha shir wadashi kaasoo ay qaybaha isku waraysan doono ay ka koobnaan doonaan, madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, xildhibaanada, bulshada ra’yadka iyo daneeyeyaasha kale.

3. Dhawaaqis loogu yeedho shir wadatashi ay u dhan yihiin dhamaan inta matasha kooxa kala duwan ee Soomaaliyeed sanadkan gudihiisa.

Halkaan ka eeg qoraalka oo ku qoran Afka Ingriiska laguna faafiyey mareegta unsom.unmissions.org/

Source: UNSOM

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online