Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo gaaray magaalada Abu Dhabi

August 29, 2015 - Written by Editor

Xasan-shiikhMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaarey magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaa oo ay uga bilaabatey booqasho rasmi ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa martiqaad rasmi ah ka heley Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Khalifa bin Zayed Al Nahyan, waxaana maalinta beri bilaabanaya kulamo kala duwan oo la xiriira xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in booqashadan ay ka tarjumeyso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, iyo doorka wanaagsan ee ay mar walba Dowladda Imaaraadka Carabta ka cayaareyso arrimaha Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac (Jangeli) iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Abu Dhabi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta.

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online