Madaxweynaha Puntland oo mar kale kormeeray xarumo muhiim ah oo ku yaala magaalada Gaalkacyo (Masawiro)

August 27, 2015 - Written by Editor

IMG_1658Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-8-2015 kormeeray Xabsiga weyn , Xerada siinaay , ciidanka kamaan doosta ee Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf iyo Hotel Kaah ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug.

Kormeerka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehliyey qaar kamid ah Golaha xukuumadda Puntland, Saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Ugu horeyn Madaxweyne Gaas ayaa kormeeray Xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo , waxaan halkaas salaam sharaf uu kaga qaatay cutubyo katirsan ciidanka asluubta Puntland, isagoona xaalada xabsiga warbixin ku saabsan ka dhagestay saraakiisha maamusha.

Waxaana uu sidookale qol qol ugu tagey maxaabiista ku xiran xabsiga, halkaas ayuuna madaxweynhu su’aalo ku weydiiyey maxaabiista , isagoona u kuurgalayey xaaladahooda iyo waxa ay ku suganyihiin.

Madaxweynaha ayaa amray in maxbuuskii aan si sharci ah u xirneyn si deg deg ah loogeeyo maxkamadd , loona qabto qareeno u dooda, hadii dambi lagu helana dib xabsiga loogu celiyo kii lagu waayana xoriyadiisa dib loo siiyo.

Intaas kadib ayaa Madaxweynuhu kormeeray xerada siinaay oo ay ku suganyihiin ciidamada ku dagaalama gaadiidka gaashaaman ee Puntland, kuwaasi oo u carbisan difaacida diinta, dadka iyo dalkooda , waxaana uu indha indheeyey qeybaha ay ka koobantahay xeradu.

no images were found

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray ciidanka kamaan doosta ee Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf , halkaas ayuuna salaam sharaf markale ciidankaasi , isagoona warbixin la xiriirta xaaladda ciidanka ka dhageystay saraakiisha sare ee ciidankaasi.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Hotel Kaah oo ku yaala xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo kula qaxweeyey shacabkii halkaasi ku sugnaa, taasina waxaa ay kamarag ka caysaa amniga iyo kala dambeynta kajirta magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online