Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin oo Wasaaradaha kala hadlay dar-dargelinta Mashruuca JPLG

August 4, 2015 - Written by Editor

IMG_5044Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 4-8-2015 aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe kullan ku saabsan derder-gelinta mashruuca horumarinta degmooyinka Puntand ee JPLG kula qaatay sideed Wasaaradood oo kamid ah wasaaradaha Puntland .

Waxaana ay kala ahaayeen Wasaaradda arrimaha gudaha, Dawladaha hoose iyo horumarinta reermiyiga , Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka, Wasaaradda Deegaanka , Wasaaradda Caafimaadka ,Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland.

Mudadii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay waxqabadkii saddexdii bilood ee la soo dhaafay ( May , June , July ) , derdergelinta dhsitaanka Golaha deegaanka Degmooyinka Garoowe, Boosaaso, Burtinle , Galdogob iyo degmooyinka kale ee harsan.

Xubnihii ka socday sideeda Wasaaradood ee ka qeyb-galay shirka ayaa waxaa ay madasha ku soo bandhigeen waxqabadka saddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshayaasha horumarineed ee hada ay kawadaan guud ahaan Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ku booriyey dhammaan madaxdii ka qeyb-gashay kullanka inay laban laabaan shaqada u taala , si sanadka dambe loo gaaro horumar balaaran oo la taaban karo.

Muhiimadda kullankaan aya ahaa sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG oo si hamsami leh uga soconaya guud ahaan Puntland , loona derder-gelin lahaa mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online