Madaxweynaha Hirshabeelle Iyo Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka Oo Ka Wada Hadlay Arrimo Kale Duwan

April 1, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa magaalada Muqdisho Kulan kula qaatay Guddiga Madaxa banana ee Xuduudaha iyo Federaalka, iyagoo ka wada hadlay Arrima Quseeya Xuduudaha iyo federaalka iyo Wada shaqeynta Maamulka iyo Guddiga.

Xubnaha Kulanka Madaxweynaha La qaatay ayaa waxaa hor kacayay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banana ee Xuduudaha iyo Federaalka Khaliif C/kariin Maxamed waxaana ay ka wada hadleen Tabasho maamulka Hirshabeelle uu Qabay, iyagoo ka turxaan bixiyay misana ka qanciyay, waxaana sidoo ay kala hadleen shir Dhowaan magaalada Muqdisho ka dhacaya oo looga hadlayo Arrimaha Xuduudaha iyo Doorka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Khaliif C/kariin Maxamed oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banana ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa sheegay in u jeedada kulankaan uu ahaa in la dhageysto talooyinka Hirshabeelle iyo Hay’adaha Quseeya Arimaha Xuduudaha iyo Federaalka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banana ee Xuduudaha iyo Federaalka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay Ku faraxsanyihiin La Kulanka Madaxweynaha Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada, waxaana uu sheegay in ay diyaar u yihiin La shaqeynta Maamulka ayna dhowaan booqan doonaan deegaanada Hirshabeelle Gaar ahaan Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa guddiga u balanqaaday wada shaqeyn buuxda, waxaana dhinaca kale uu Ku dheeraaday ka sheekeynta Xadka Gobolka Banaadir uu La Wadaago Hirshabeelle iyo sida muhiimka ay u tahay Ku dhaqanka xadkaasi, iyo in ay wada shaqeeyaan Wasaaradda Shaqo wadaaga ay yihiin ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Hirshabeelle.

Kulanka Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle uu La qaatay Guddiga Xuduudaha Iyo Federaalka ayaa waxaa goob joogo ka ahaa Qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada Sida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Hirshabelle. Waxaana uu ku soo dhamaaday Jawi Isfahan ah.

—–Dhamaad—–


Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle

Directorate Of Media & Public Relation Office Of The President Hirshabeelle State Of Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online