Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda G/Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka

July 14, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxakamadda Racfaanka Gobolka Banaadir keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo muddo ka soo shaqeynayey Garsoorka dalka, sidoo kalena ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka, halka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi oo aqoon durugsan u leh Shareecada iyo Qaanuunka loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan waxa uu xilalkii kaga qaaday Guddoomiyeyaashiii hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkmadda Racfaanka Gobolka Banaadir Mudane Aweys Sheekh Cabdullaahi Weheliye iyo Mudane Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed, isagoona dhanka kale u rajeeyay Gudoomiyeyaashii hore mustaqbal wanaagsan.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa ku saleeysan ballanqaadkiisii ahaa inuu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka dalka oo kamid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir 
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail: media@presidency.gov.so 

Leave a comment

*

Archives
July 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online