Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKM oo kulan la qaatay HayleMaryam Disalin

November 24, 2011 - Written by

Adis Ababa:-Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKM Shariif Xasan Sh Aden ayaa saaka kulan la qaatay HayleMaryam Disalin  Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya waxaana ay ka wada hadleen howlgalada ay ciidamada AMISOM iyo DFKM ay ka wadaan Muqdisho iyo sidii dowlada Itoobiya u taageeri lahayd.

Wasiirka arimaha Dibada ee dalka Itoobiya  HayleMaryam Disalin  ayaa  kulanka ka dib waxaa uu u sheegay saxaafada  inuu dalkiisu uu taageersan yahay  howlgallada ay ciidamada AMISOM ka wadaan Soomaaliya  dowladiisana ay tageeri doonto DFKM waxaana uu yiri “Sugida amaanka Soomaaliya waa mid muhiim u ah amaanka wadamada Gobolka oo dhan” .

Wasiirka arimaha dibada ee dalka itoobiya ayaa la weydiiyey in ay ciidamo u diryaan Soomaaliya waxaana uu ku jawaabay talaabada aan qaadi doono waxaan si wada jir ah uga tashan doonaa dalalka xubnaha ka ah Midowga  Afrika iyo beesha  caalamka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay u yimaadeen Adis Ababa in ay kala hadlaan madaxda dalka Itoobiya sidii ay dowlada Itoobiya u caawin lahayd DFKM dhanka amaanka ,sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo hergalinta heshiiskii Kampala.

Warar hoose oo ay heshay saxaafada ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKM uu u tagay dalka Itoobiya sidii loo soo dhisi lahaa Maamul gobaleed ay yeeshaan reer Bay iyo Bakool maamulkaas oo taageero melatari ka heli doona dalka Itoobiya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,452 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>