Xaruntii Shirkada Golis ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo la dhacay

November 24, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Koox dabley ah oo hubeysan ayaa saaka waxaa ay dhac u geysteen xaruntii shirkada isgaarsiinta Golis ee ku taalay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, kooxdaan dableyda ah ayaa waxaa ay dhawaac u geysteen mid ka mid ah shaqaalihii ka shaqayna yey xarunta Golis iyagoo dhacna u geystay ka dibna baxsaday.

Kooxdaan dableyda ah ayaa warar is khilaafsan ka soo baxayaan lacagta ay ka dhaceen xaruntii shirkada isgaarsiinta Golis ee ku taalay Koonfurta magaalada Gaalkacyo iyadoo wararku sheegayaan in lacagta laga dhacay xarunta Golis ay u dhexayso 30.000 kun oo dollar ilaa 100.000 kun oo dollar.

Magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii u danbeeyey waxaa ka jiray amaan daro iyo qorshooyin hoose oo ay wadaan kooxo abaabulan oo iyagu ka fulay magaalada Gaalkacyo dilala iyo dhac kuwaas oo u badan dhalinyaro hubaysan oo aan cidna ka amar qaadan, dhalinyara daan hubaysan ayaa mararka qaarkood dhexdooda ka dagaalama  iyagoo dhibaato u geystay dadka rayidka ah ee ku nool Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online