Waji ka feydid cod laga soo jaray Wareysi uu Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax uu siiyey Radio Garowe Oct 5 2008.[Dhagayso]
November 20, 2012 - Written by
Wax lala yaabo ma ah in qofkii been abuurka xalaashada uusan ka sariigan in uu sameeyo been abuuro kale oo uuna ka sameeyo culimada Soomaaliyeed ee lagu yaqaanay cilmiga iyo dowrkii weynaa ee ay ka soo qaateen fidinta dacwada Islaamka ee gayiga Soomaaliya iyo in uu soo googooyo codka culimada isagoo aan ilaalin amaanada waan wax la filanayo in dhaqankaas xun ee ka fog akhlaaqada iyo qiyamka diinta Islaamka uu sii wado . Haddaba mid ka mid ah mareegaha Internetka ee lagu caayo culimada Soomaaliyeed kuna shaqaalaysan arrinkaas ayaa maalmihii u danbeeyey waxaa ay aflagaado iyo cay la daba galeen Allaha dhowree fadiilatu Sh Cabdul qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada ugu waaweyn Soomaaliya cilmi ahaan iyo da,ahaanba.
Codka Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ee la soo jaray ayaa waxaa la doonayey in lagu beeniyo warbixin ay soo diyaariyeen gudiga madaxa banaan oo dhawaan warbaahinta Soomaalida ku faafiyey natiijo ay ka soo saaareen cid ka danbaysay dilkii Shiikh.Dr Axmed Xaaji Allaha u naxariistee,beeninta warbixnta ay soo saareen gudiga madax banaan ayaa waxaa ay u taal cid ay eeda u jeediyeen oo leh madax iyo masuuliin la yaqaan oo inta badan saxaafada ka beeniyey warar iyaga loo tiiriyey.
Barta- Internetka ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ay soo kala jareen codadd ay leeyihiin culimada Soomaaliyeed gaar ahaan Shiikh Cabdul qaadir Nuur Faarax oo daba gal ka dib markii aan ku samaynayna ay ku fadeexoobeen been abuurkii ay soo dhoobdhoobeen, Waxaa xusid mudan in aan akhristayaasha aan dib u xasuusino Cajalka laga soo jaray codka Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax allaha dhowree isaga iyo culimada Soomaaliyeedba , codka Shiikh Cabdqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa laga soo jaray tacliiq kooban oo uu ka jeediyey Muxaadarado uu jeediyey Sh Cabdi Naasir Xaaji Axmed kana jeediyey Nadwo cilmiyeed ka dhacday magaalada Qardho, 17 ilaa 23 bisha July, 2009 kii oo uu Sh Cabdi Naasir Xaaji Axmed uga hadlay isku xukunka Kitaabka Alle iyo Sunadiisu in ay tahay waajib.
Codka Sheekh Cabduqaadir Nuur faarax ee la soo jaray ayaa waxaa lagu soo beegay waqtigaas xili ay magaalada Garoowe ka dhacaysay in la ansixiyo Dastuurka Puntlland si dadka Muslimiinta ah loo khaldo balse alle mahadiis howl wadeenada Halgan.net ayaa beentaas qabtay soona bandhiga meesha laga soo jaray codka ,waqtigiisa iyo in aysan ahayn hadal cusub oo uu leeyahay Sh cabduqaadir Nuur Faarax oo taas oo ay akhristayaal badan ka yaabisay iyo qof walba oo wax uun diin ah ay celinayso.
Been abuurada uu ku faafiyey shaqsigaas bartiisa Internetka ayaa kuwii ugu waaweynaa waxaa ka mid ahaa in Shiikh Cabdul qaadir Nuur Faarax uu u mahad celiyey Mahiga ,Uganda, Burundi, Itoobiya, iyo Beesha caalamka arrinkaas oo mid ka mid ah mareegihii ka soo xigtay uu ka bari noqday markii danbe cafisna uu wiidiistay Sh Cabduqaadir Nuur Faarax raali gelin ay ka bixiyeen arrinkaas.Halkan ka Eeg
Waxaa iyana xusid mudan in codka la soo geliyey bartaas Internetka ee ku shaqaalaysan cayd iyo been abuurka culimada uu ahaa waraysi uu Sh Cabduqaadir Nuur Faarax siiyey Radio Garoowe bishii Oct 5,2008 iyadoo waraysiga Shiikh laga soo gooyey qayb ka mid ah inta kalena laga tegay taas oo ku tusinaysan amaano xumid iyo isku kalsoonaan la ,aanta kuwa dhaqanka ka dhigaty cayd culimada , waxaa kale oo intaas sii dheer in aan la sheegin xuquuqda iyo cida waraysigaan gaar uu u ahaa ee Radio Garoowe taasna waa tuuganimo kale iyo buracadnimo qaawan. Halkaan ka Dhagayso Sh Xassan Daahir oo ka digay culimada caydooda kuna baaqay in Axaadiista lagu hayso Sh.Xassan Takar uu meel saaro.(Dhagayso)
Bal wax yar aan dul istaag ku samayno codka Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ee laga soo jaray waraysi uu siiyey Radio Garoowe
Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax iyo culimada kale ee Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ku dadaaleen in ay islaaxiyaan Umada Soomaaliyeed intii tabartood ah, haddaba bishii Oct 5 2008 ayaa waxaa ka dhacay amni xumo baahsan magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal waxaan dhacay falal danbiyeedyo waaweyn sidda in gabdhaha la kufsado, dilal joogta ah , dhac loo geysto dadka degan Garoowe iyo kuwa musaafirka ah sidaas darted ayaa Sh Cabduqaadir Nuur faarax Waxaa uu maalin jimco ah ka hadlay Masjidka Al-hudaa ee magaalada Garoowe waxaan uu dad weynaha ugu baaqay in si deg deg ah wax looga qabto amniga oo culimo , caamo iyo Isimaba la is kaashado arrinkaas oo ay Isimadu soo dhaweeyen lana sameeyey gudi ka kooban bulshada kale duwan ee nool Garoowe loona bixiyey gudiga amniga oo madax looga dhigayo Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax ,Isimo iyo waxgarad kale.
Gudiga ayaa waxaa uu howshiisa bilaabay si madax banana iyagoo odayaasha ,culimada iyo waxgarad kale kulamo ay iskugu yimaadeen ka dooday in dowlladu ay waxba ka qaban weyday amniga sidaas darteedna loo baahan yahay in dadweynaha la wacyi galiyo si amniga iyo nabad gelayada loo sugo.
Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garoowe ayaa waxaa uu uga waramay wax u qabsoomay gudigooda iyo wax ay qabteen iyo in gudiga uu howl fiican qabtay ayana sameeyeen ciidamo madani ah oo ay soo aruuriyeen kuna xoojiyeen xubno ka mid ah Booliska Garoowe si wada jir ah amniga wax looga qabto.
Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu waraysigiisa ku sheegay in ay jiraan ciidamo beeleed ama daraawiish oo amni xumo ku haya magaalada sameeyan dhac iskuna rogay burcad dadka furta waxaan uu dowllada iyo waxgaradka ugu baaqay in wax laga qabto haddii kale uusan amniga magaalada uusan hagaagi doonin.
Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa sheegay in gudigoodu yahay mid ay dhiseen isimada iyo nabadoonada ka dib markii ay kulan iskugu yimaadeen ayna arkeen in ay muhiim tahay in wax laga qabto amniga. Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa sheegay kuna celceliya in gudigoodu uusan ahayn mid leh damac siyaasadeed balse dantoodu ay tahay in amniga ay wax ka qabtaan maadaama maamulka uu waqtigaas wax badan ka qaban waayey amaanka oo uu galay habac baahsan, Shiikh ayaa si cad u sheegay in maamulka ay kala shaqayn doonaa wax ka qabadka dhinac amaanka isagoo codsaday in ciidanka madaniga ah iyo Booliska lagu taageero Tiknikada aysan haysan sidda baroomada.
Halkaan ka Dhageyso Waraysigii Radio Garoowe 2008 la yeeshay Sh.C/qaadir Nuur Faarax 5 Oct_2008 [Source Radio Garoowe] bal akhristow i sii wiidiiya sababta ka danbaysa in waraysiga la kala gooyo si loogu adeegsado
cayda qof muslin ah haddana ah Shiikh Soomaaliyeed oo ku ciraystay faafinta diinta!
[audio:http://halgan.net/Mp3/Sheekh Cabdulqaadir oo ka hadley amaanka Nugaal 5 Oct_2008.mp3] ama Halkan
Sh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu caan ku yahay oo culimo badan oo soomaali ah kaga duwan yahay in mowqifka uu u arko in uu diiniyan ugu qanacsan yahay uu soo bandhigo kana gaban isagoo Sheekhu lagu xasuuso mawaaqif badan oo soo maray dacwada Soomaaliya oo ka qaatay mowqif geesinimo leh waxaan ka xusi karnaa.
1- Fikrigii Takfiirka ee mar dacwada sigay in uu burburiyo.
2- Qaraxyada iyo dilalka lala beegsado dadka ka soo baxay ama galaya Masaajida.
3- Dagaalada ay wadaadadu galeen 1992.
Sidoo kale waxaa khudbad dhinacyo badan ka hadleysa ka jeedshay kulankii ugu horeeyey ee looga hadlo amaanka Magaalada Garoowe 2008 Sheekh C/qaadir Nuur Faarax isaga oo canaan u soo jeedshay Maamulka Puntland wuxuuna sheegay in uu ka quustay in ay wax ka qabtaan amaanka magaalada Garoowe. Shiikh Cabduqaadir Nuur ayaa hadalo adag u jeediyey maamulka isagoo ku eedeeyey in ay qayb ka yihiin amaan xumid jirta waxna ay ka qaban waayeen
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Suldaan Saciid Garaase oo ka mid ah Isimida Puntland gaar ahaan gobalka Nugaal wuxuuna sheegay in ay soo dhaweynayaan in wax laga qabto amaanka Garoowe ayna iska kaashadaan dhamaan bulshada ku dhaqan Garoowe.
Hoos ka Dhageyso Khudbadii Sh.C/qaadir Nuur Faarax iyo Suldaan Garaase oo ka hadlaya shirkii lagu soo dhisay Gudiga amaanka Gobolka Nugaal [April 20_2008 [Source Radio Garoowe]
[audio:http://halgan.net/Mp3/shirkii odayaasha iyo culimada Nugaal.mp3] ama Halkan
Sh C/qaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu qayb ka qaatay joojin colaado badan oo ka dhacay degaanada Puntlland waxaan uu ka soo jeediyey baaqyo nabadeed waxaa xusid mudan in colaadii ka dhacay Gaalkacyo, uu culimo uu hogaaminayo ay qayb ka qaateen islaax in ay dhex dhigaan bulshada reer Gaalkacyood oo ay si nabad gelyo ay haatan ku naaloonayaan.
Sh C/qaadir Nuur Faarax ayaa baaq ka soo jeediyey colaada Gaalkacyo isagoo ka digay dilalka qorshaysan ee loo geysanayo dadka muslinka ah ee Masaajida lagu u gaarsanayo isagoo dhinac kalena dhaliil adag u soo jeediyey weerar lagu qaaday 2 masjid oo ku yaal magaalada Gaalkacyo wuxuun Sheekhu waqtigaas xusay in aysan arrimahaas aysan banaanayn.
Hoos ka Dhageyso Baaqii uu Sh.C/qaadir Nuur Faarax ka jeediyey dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo
[audio:http://halgan.net/Mp3/baaq.mp3] ama Halkan
Ugu Danbeyn waxaa u soo jeedineynaa kuwa dhaqanka ka dhigtay caayada Culumada in ay alle ka baqaan oo ay ogaadaan in ay sugayso geeri qof walbana la xisaabin doono hana ogaadaan dulmiga qof muslin ah gaar ahaan culumo ah in ay tahay danbi weyn oo qofka uu ku cadaab mudan karo waxaa kale oo xasuusineynaa in marka been lagu qabto ay ka toobad keenaan oo aysan beentii iyo dulmigii ku darsan in ay beelo iyo deegaano ay u gafaan .
M_M_Deeq
Garowe
Halgan.net

.gif)

