3 Qof oo caawa lagu dilay magaalada Gaarisa ee Xarunta gobolka Waqooyi Bari
December 20, 2012 - Written byGaarisa:-Waxaa caawa koox hubeysan ay ku dileen magaalada Gaaris ilaa 3 qof , saddexda qof ayaa labo ka mid ah waxaa ay ka tirsanaayeen Shaqaalaha Bangigga dowllada Kenya , halka qofka saddexaadna uu ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda warfaafinta ee dalka Kenya.
2-da shaqaale ee ka tirsanaa Shaqaalaha Bangigga dowllada Kenya ayaa waxaa lagu dilay baar lagu caweeyo oo la yiraahdo DRC Club halka qofka u shaqaynayey wasaarada warfaafinta Kenya lagu dilay isagoo maraya jidka Kenyatta Avenue ee magaalada Gaarisa.
Waxaa jiray qof 4aad oo iskagu ku dhaawacmay weerarkaan waxaan la geeyey Garissa Provincial General hospital oo lagu daweynayo
weerarka kooxdaan hubaysan ay geysteen ayaa waxaa uu ka dhacay ilaa 2 goobood oo isku jira ilaa 300 m.
Kooxda hubaysan ee dilka fuliyey ayaa goobta ka cararay markii ay dilka geysteen, wax yar ka dib ayaa waxaa goobta dilku ka dhacay waxaa soo gaaray ciidanka Booliska ee magaalada Gaarisa waxaan ay bilaabeen baaritaan iyo howl gal ay ku raadinayaan kooxda dilka
geystay. Dilka ka dhacay caawa magaalada Gaarisa ayaa ah mid qorshaysnaa oo kooxda dilka fulisay ay labo goobood oo isku dhow ka fuliyeen dilka ka dibna baxsaday.
Dilalka iyo qaraxyada ayaa waxaa ay ka dhacayaan degaanada ama magaalooyinka ay degan yihiin Soomaalida arrinkaas oo abuurtay shaki weyn oo ku aadan cid ka danbaysa dilalka iyo qaraxyada iyadoo dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin la kulmaan markii uu qarax ama dil uu ka dhaco magaalooyinka Gaaris iyo Nairobi. Halkaan ka eeg warbixinta ay ka qortay dilka caawa Standardmedia
Dhinac kale Warbixin uu caawa ka qoray saddexd qof ee lagu dilay magaalada Gaarisa Wargeyska Nation ayaa waxaa uu sheegay in qof hubaysan uu toogasho ku dilay 3 qof oo ka soo baxay Masjid ku yaal Gaaris oo lagu magacaabo Jamia Mosque
Wargeyska Nation ayaa xusay in weerarku uu ka dhacay banaanka Baar lagu caweeyo oo ku yaal faras magaalaha saacadu markii ay ahayd 7:30 p.m Halkaan ka eeg warbixinta oo Wargeyska Nation ka qoray dilka caawa ka dhacay Gaarisa
C/casiis Mohmed
Halgan.net, Nairobi