Askari Kenyan ah oo lagu dilay Degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
December 28, 2012 - Written byMandheera:-Warar naga soo gaaray magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in xalay koox hubeysan ay weerareen laba askari oo ka tirsan ciidanka Kenya kuwaas oo ku guda jiray howlo roondo ah.
Kooxda weerartay labadan askari ayaa waxay qaateen labadii qori ay wateen askarta ka dib markii ay toogteen oo mid ka mid ah askartii uu dhintay halka mid kale uu si xun u dhaawacmay .
Ciidamada amaanka ee magaalada Mandheera ayaa markiiba soo gaaray goobta iyaga oo qaaday labadii askari waxayna howlgalo ka sameeyeen xaafado ka mid ah Degmada Mandheera iyaga oo xabsiga dhigay dhowr qof oo ka ag dhawaa goobta uu dilka ka dhacay .
Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Waqooyi Bari Philip Tuimur ayaa xaqiijiyey weerarka xalay lagu qaaday askar ka tirsan ciidanka Kenya waxaana uu sheegay in ay wadaan baaritaano iyo howlgalo lagu adkeynayo amaanka Degmada Mandheera.
A/Cawale
Halgan.net