Baarlamaanka DFS oo ansixiyay Miisaaniyadda Xukuumadda 2013
December 30, 2012 - Written byMuqdisho:-Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ayaa kulan ay maanta isigu yimaadeen waxay si aqlabiyad ah ku ansaxiyeen miisaaniyadda Xukuumadda DFS waxaana kulanka soo xaadiray 177 xildhibaan
Miisaaniyada Xukuumada DFS ayaa waxaa ansaxiyey xildhibaano gaaraya 176 waxaana ka aamusay hal xildhibaan wasiirka maaliyadda ee DFS Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa u mahad celiyey xildhibaanada DFS wuxuuna sheegay in la dhimay lacagaha ku bixi doona xafiisyada madaxda dowladda .
Wasiirka Maaliyadda ee DFS Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa sheegay in la kordhiyey lacagta loo qoondooyinka ciidamada DFS waxaana la gaarsiiyey 11 milyan oo doollarka Mareykanka ah waxaa sidoo kale uu wasiirku ka sheegay golaha baarlamaanka DFS in loo qoondeeyey horumarinta adeegyada bulshada aduun dhan 31 milyan oo doollar.
Kulanka maanta ayaa waxaa shirgudoominayey guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka DFS Mahad Cabdalla Cawad waxaana uu sheegay in si aqlabiyad ah loo ansaxiyey Miisaaniyada xukuumada DFS ee uu hogaanka u hayo Raisulwasaare Saacid.
A/Cawale
Halgan.net