Ciidamada booliska Kenya oo howlgallo ballaaran ka sameeyey xaafada Islii (Video )
December 9, 2012 - Written byNairobi:-Ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyey xaafadda Islii waxayna gacanta ku dhigeen ilaa 300, oo qof kuwaas oo deganaa xaafada Islii howlgaladan ayaa waxay ka danbeeyeen ka dib markii qarax lagu weeraray banaanka Masjidka Al-Hidaaya.
Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Nairobi Moses Ombati ayaa saxaafada u sheegay in dadka lagu soo qabtay howlgallada laga fuliyey xaafada Islii aysan heysan wax sharci ah ama aqoonsi ay ku joogaan dalka Kenya .
Howlgallada ay ciidamada booliska Kenya ka sameeyeen xaafadda Islii ayaa waxay cabsi ku abuurtay dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada Islii iyaga oo ka baqaya in ay dhac u geystaan ciidamada Kenya ee lagu soo fasaxay xaafada Islii.
Hoos ka daawo markii uu dhacay Qaraxii lagu weeraray Banaanka Masjidka Al-Hidaaya
Moses Ombati Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay ku daba jiraan kuwii ka danbeeyey qaraxii jimcihii ka dhacay banaanka Masjidka Al-Hidaaaya qaraxaas oo ay ku dhinteen 9 qof halka dhaawac uu sii marayo 30 kale oo uu ku jiro Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji Yuusuf Xasan.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net