Ciidamada huwanta oo saaka oo la wareegay Jasiiradaha Madhawa & Kudhaa
December 18, 2012 - Written byKismaayo:-Ciidanka DFS iyo kuwa Raaskambooni oo taageero ka helay ciidanka Kenya ayaa saaka xoog kula wareegay jasiiradaha Kudhaa iyo Madhawa ee galbeed kaga toosan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ka dib dagaal kooban oo ka dhacay halkaas.
Ciidanka huwanta ee qabsaday Jasiiradaha Madhawa & Kudhaa ayaa haatan waxay xarumo ka sameysteen gudaha labada Jasiirad waxaana cabsi ay soo foodsaartay dadka ku dhaqan Jasiiradaha Madhawa & Kudhaa iyaga oo ka baqaya in dagaal kale uu ka dhaco .
Dagaalada ka dhacay Jasiiradaha Madhawa & Kudhaa ayaa waxaa ay sababeen khasaaro kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac waxaana ku dhintay 3qof halka 7 kale ay ku dhaawacmeen sida Halgan.net uu xaqiijiyey joobjooge ku sugan Jasiirada Kudhaa.
Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya gobalka J/hoose ayaa sheegaya in Ciidamada huwanta oo dheeraad ah ay ka soo dhaqaaqeen deegaanka Buurgaabo oo sidaa uga fogeyn Jaziiradda Kudhaa oo ay ciidanka huwanta ay qabsadeen saaka.
Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay duulaanka ay ciidamada huwanta saaka ku qabsadeen jasiiradaha Madhawa & Kudhaa
Sarkaal ka tirsan Ururka Raaskambooni ayaa sheegay in ay gaari doonaan maalmaha soo socda deegaanka Raaskaanbooni oo ay haatan ku sugan yihiin ciidamada Al-Shabaab.
Cabdi Yare
Halgan.net