Ciidamada huwanta oo saaka oo la wareegay Jasiiradaha Madhawa & Kudhaa

December 18, 2012 - Written by

Kismaayo:-Ciidanka DFS iyo kuwa Raaskambooni oo taageero ka helay ciidanka Kenya ayaa saaka xoog kula wareegay  jasiiradaha Kudhaa iyo Madhawa ee galbeed kaga toosan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ka dib dagaal kooban oo ka dhacay halkaas.

Ciidanka huwanta ee qabsaday Jasiiradaha Madhawa & Kudhaa ayaa haatan waxay xarumo ka sameysteen gudaha labada Jasiirad waxaana cabsi ay soo foodsaartay dadka ku dhaqan Jasiiradaha Madhawa & Kudhaa iyaga oo ka baqaya in dagaal kale uu ka dhaco .

Dagaalada ka dhacay Jasiiradaha Madhawa & Kudhaa  ayaa waxaa ay sababeen khasaaro kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac waxaana ku dhintay 3qof halka 7 kale ay ku dhaawacmeen sida Halgan.net uu xaqiijiyey joobjooge ku sugan Jasiirada Kudhaa.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya gobalka J/hoose ayaa sheegaya in  Ciidamada huwanta oo dheeraad ah ay ka soo dhaqaaqeen deegaanka Buurgaabo oo sidaa uga fogeyn  Jaziiradda Kudhaa oo ay ciidanka huwanta ay qabsadeen saaka.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay duulaanka ay ciidamada huwanta saaka ku qabsadeen jasiiradaha Madhawa & Kudhaa

Sarkaal ka tirsan Ururka Raaskambooni ayaa sheegay in ay gaari doonaan maalmaha soo socda deegaanka Raaskaanbooni oo ay haatan ku sugan yihiin ciidamada Al-Shabaab.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online