Ciidanka badda ee Puntland oo mar kale howlgalo ka fuliyey degaanka Garacad

December 13, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Ciidanka badda ee dowllada Puntland ayaa ku guulaystay in ay hareereeyaan Markab ay koox burcadbadeed ah ku haystaan degaan u jira ilaa 15 KM degmada Garacad ,kooxdaan burcadbadeedka ah ayaa  mudo dhan 2 sanno ka hor ula cararay Markabkaan degaano ka baxsan Puntlland ka dib markii uu Markabku caariyey balse usbuucii hore ayey dib ula soo laabtay rakaabkii dibna u saareen Markabka.

Ciidanka badda ee dowllada Puntland ayaa intii ay ku jireen howl galka ay ku hareeraynayeen kooxdaan buracdbadeedka ah waxaa ay isku dayeen in ay la dagaalamaan ciidanka balse ciidanka ayaa dilay 3 ka mid ah qabtayna ilaa 4 kale halka ciidanka Badda ee Puntlland ay ka dhaawacmeen ilaa 3 askari.

Markab ayaa burcadbadeedku ay haystaan in ka badan 2 sanno  waxaan dushiisa saaran ilaa 10 badmaax oo kooxaha burcadbadeedka ah ay mar ula talaabeen dhinac bariga iyagoo ka cabsi qabay in weerar uu kaga yimaado ciidamada reer Galbeedka ah ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Badda eedowllada Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa saxaafada u sheegay in ciidanka Badda Puntlland ay howl galo ay ka fuliyeen degmada Garacad ee Gobolka Mudug isagoo sheegay in ciidanku ay sii wadi doonaa howl galo ay kula dagaala mayaan kooxaha Burcadbadeedka ee doonaya in ay fariisamo ka samaystaan degmada Garacad iyo xeebaha kale ee degaanada Puntlland.

Taliyaha ciidanka Badda ee dowllada Puntlland Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in dadka degaanka ay soo dhaweeyeen howl galka ciidanku ay ka wadaan degaanada ku xeeran degmada Garacad isagoo xusay in kooxah burcadbadeedku ay yihiin kuwo wax u dhimaya amaanka iyo nabadgelayad iyo sharaftii umada soomaaliyeedba.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online