Dood: khilaafka siyaasadeed ee Puntland BBC (Dhageyso)
December 22, 2012 - Written byGaroowe:-Maamul-goboleedka Puntland waxaa ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xoog leh iyadoo ay soo dhowdahay waqtigii ay xafiiska joogi lahayd xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaam Sheekh Maxamed.
Maamulka haatan dhisan waxaa uu doonayaa inuu muddo sanad ah ku kordhisto waqtigiisa oo ku eg siddeedda bisha Jannaayo ee soo socota.
Hase ahaatee waxaa jira siyaasiyiin ka soo horjeeda waqti kororsiga xukuumadda una taagan madaxtinimada soo socota. Waxaa haatan magaalada Garowe ka socda shirar ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka jira, loona go’aamin lahaa mustaqbalka maamulka Puntland.
Dood arrintan ku saabsan ayaan u qabannay dhinacyada ay khuseyso arrintani.Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa doodda u qeybinaya labada dhinac ee dowladda Puntland iyo mucaaradka, waxaana ay kala yihiin:
Maxamuud Ceydiid Dirir oo ah Wasiirka Warfaafinta Puntland.
Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, Wasiiru dowlaha madaxtooyada ee Maamul Wanaagga.
Cabdullaahi Saciid Samatar oo ah wasiirkii hore ee ammaanka Puntland, laakiin hadda ah musharax Puntland.
Iyo Cabdiraxaan Sheekh Maxamed Gablax oo ah murrashax u tartamaya xilka madaxtinimada Puntland.
Hoos ka Dhageyso Doodkii BBC ay ka qabatay khilaafka siyaasadeed ee Puntland
Xigasho BBC Somalia