Dooni sidayTahriibayaal oo ku qalibantay meel 30Mayl u jirta magaalada Boosaaso
December 18, 2012 - Written byBoosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidamada amaana ee Puntland ay soo qaadeen Meydadka 18 qof oo tahriibayaal ah kuwaas oo ku geeriyooday dooni ay wateen oo kula degtay dooni xeebaha gobolka Bari.
Wasiirad ku xigeenka wasaaradda caafimaadka ee Puntland Seynab Ugaas Yaasiin ayaa waxay saxaafada u sheegtay in ciidamo gurmad ah ay u direen markii ay soo gaartay in dooni ay tahriibayaal ka raaceen deegaanka Mareere oo u jirta magaalada Boosaaso 18Km ay ku qalibantay meel 30Mayl u jirta magaalada Boosaaso.
Waxaa la keenay isbitaalka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaas 18qof oo isigu jira rag iyo dumar waxayna wasaarada Cafimaadka ee Puntland ay sheegtay in ilaa haatan la baadi goobayo in ka badan 30qof oo kale .
Doontan aay waxay ku socotay dalka Yemen waxaana ay tahriibayaashu isigu jireen Soomaali iyo Itoobiyaan wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in ilaa 4qof ay badbaadeen haatana la keenay Isbitaalka magaalada Boosaaso.
M_M Deeq
Halgan.net