Prof:Jawaari oo ka hadlay socdaalka Madaxweynaha ku aaday dalkaTurkiya
December 4, 2012 - Written byMuqdisho:-Gudoomiya Baarlamaanka DFS Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa faahfaahin ka bixiyey socdaalka Madaxweynaha DFS Dr. Xasan Sh Maxmuud uu ku aaday dalka Turkiga waxaana uu sheegay in labada dal ay ka wada hadli doonaan arimo badan.Mr.Jawaari ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya iyo dalka Turkiga ay leeyihiin xiriir qote dheer oo aad u badan loona baahan yahay in dib loo soo nooleeyo waxaana uu sheegay in Madaxweynaha iyo wafdigiisu ay madaxada dowlada Turkiga ka wadali doonaan arimaha siyaasada, amniga .
Gudoomiyaha Baarlamaanka ee DFS ayaa sidoo kale sheegay in wafdiga madaxweynaha DFS ay joogi doonaan dhowr maalmood dalka Turkiga iyaga oo kulamo la qaadan doona madaxda dalkaas.
Madaxweyanaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud ayaa waxaa uu casumaad ka helay dhigiisa dalka Turkiga Abdullah Guul waxaana socdaalka Madaxweyanaha ku wehelisa Raisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka G/dhiga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wasiirka Maaliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Saleebaan iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net