Gudiga nabad galyada gobolka Mudug oo shir jaraa,id ku qabtay magaalada Galkacyo
December 29, 2012 - Written byGaalkacyo:-Gudiga nabad galyada gobolka Mudug ayaa maanta Shir-Jaraa’id waxay ku qabteen xarunta maamulka gobolka waxaana Shir-Jaraa’id goobjoog ka ahaa duqa degmada Gaalkacyo Col. Siciid Cabdi Faarax gudoomiyaha gobolka Maxamed Yuusuf Jaamac iyo wasiir ku xigeenka duulista hawada ee Puntland Bashiir Jaamac Maxamed
Shirkan Jaraa’id ayaa waxaa ay Gudiga nabad galyada gobolka Mudug iyo masuuliyiinta dhamaantood uga hadleen xaaladaha ay ku sugan tahay magaalada Gaalkacyo iyo dilkii waxshnimada ahaa xalay magaalada loogu gaystay Alaha u naxariistee Nabadoon Gaboobe Aaden Dalab .
Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa waxaa uu ku booriyey ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo in ay foojignaadaan cidwalba oo wax u dhimeysa amaanka magaalada Gaalkacyana ay iska qabtaan waxaana uu shacabka ugu baaqay inaysan wax taageeraa siin shakhsiyaad uu sheegay inay ubadkooda iyo xaasaskooda Yurub iyo Mareykan geysteen.
Wasiir ku xigeenka duulista hawada iyo garoomada Bashiir Jaamac Maxamed ayaa isana ka hadlay shirka Ja,raa,id waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in lagu faro adeygo nabadgalyada ka jirta magaalada Gaalkacyo wuxuuna fariin u diray shacabka in amaanka ka shaqeeyaan lana shaqeeyan ciidanka amaanka.
Ugu danbeyntii Col. Siciid Cabdi Faarax duqa degmada Gaalkacyo ayaa si kulul u cambaareeyay kooxihii ka danbeeyay dilka marxuum Nabadoon Gaboobe Aaden Dalab waxaana uu fariin u diray shaksiyaad hub ku dhexwata gudaha magaalada Gaalkacyo wuxuuna ugu baaqay in ay joojiyaan si nabada loo ilaaliyo.
M_M Deeq
Halgan.net