Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo soo gaaray magaalada Muqdisho
December 12, 2012 - Written byMuqdisho:-Guddoomiyaha baarlamaanka ee dalka Jabuuti Idiris Aar Naaquud Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho waxaana uu kulamo la yeeshay dhigiisa Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari iyaga oo ka wada hadlay xiriir ka labada dal sidii loo xoojin lahaa .
Waftiga gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Idiris Aar Naaquud Cal ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhoweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari iyo xubno ka tirsan golaha baarlamaanka ee DFS .
Halgan.net