Madaxweynaha DFS oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti
December 13, 2012 - Written byMogadishu:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa soo booqday wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Idiris Cali iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Kulankaas waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Professor Maxamed Sh. Osman Jawaari iyo mudanayaal ka tirsan Barlamaanka Soomaaliyo. Waxaa kale oo goob joog ka ahaa Safiirka Jabuuti Mudane Dayib Dubad Roble.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si fiican ugu soo dhaweeyay wafdiga Villa Somalia kuna wargeliyay in aysan Soomaliya marti ku aheyn oo ay tahay dalkoodii. ”dadka dhex gala waa dadkiinii la hadla” saas waxaa yiri Madaxwenha Soomaaliya markii u la hadlayay wafdiga ka socday Jabuuti.
Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa aad u amaanay safarkii uu ku tagay dalka Jabuuti kana dhawaajiyay in ay wada shaqeeyn doonan labada dal.
Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada
Xafiiska Madaxweynaha
mabdalla@presidency.gov.so